Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Cabdirashiid X.Ducaale Qambi Ayaa Maanta Kulan La yeeshay Orodyahan Fuaad Siciid Cali Oo noqday orodyahankii kaalinta 1aad galay Orodkii Hargeisa International Have Marathon.

Kulankan ayaa wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Khadar Xaaji Yuusuf iyo Gudoomiyaha Somaliland National Athletic Federation Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee JSL Mohamed Xasan Nageeye Waxaana ay wasiirka uga mahadnaqeen sida quruxda badan ee uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Cabdirashiid X.Ducaale Qambi ayaa ugu dambayn umahadnaqay orodyahan fuaad Siciid Cali oo ku ordaayey magaca Dalka Somaliland, isaga oo muujiyey dadaal iyo karti uu ku hantay orodkaasi, waxaana sidoo kale tani ay muujinaysaa in xidhiidhka ciyaaraha fudud uu noqon doono mid hela ictiraaf caalamka oodhan ah.