Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL,oo hawlo shaqo u jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL, mudane Cabdiraxiim Xirsi Jaamac Dhooble, oo hawlo shaqo u jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa kormeer xog ogaal unoqosha ah ku sameeyay xarunta dhallinyarada degmada Burco Youth Center.

Wasiirka ayaa warbixin kaga dhageystay agaasimaha Youth Centerka Maxamed Aadan, isaga oo ka hadlay qaybaha kala duwan ee xarunta dhallinyaradda degmada Burco ay ka kooban tahay.

Sidoo kale agaasime Maxamed waxa uu sheegay in 6-dii bilood ee udambeeyay ay ka faa’idaysteen dhallinyarro kor udhaafaya 132 arday oo wiilal iyo hablaba leh, kuwaas oo bartay xirfado kala duwan.

Geesta kale wasiirku waxa uu kormeer ku sameeyay Waaxda akhriska iyo qoraalka oo dib u habayn iyo dayactir lagu sameeyay, isla markaana dhallinyaro badani ay ka faa’ideysteen una saamaxday inay wax ku akhristaan.

Gaba-gabadii wasiirka ayaa maamulka xarunta dhallinyarada degmada Burco ku boggaadiyay hawsha fiican ee ay ka qabteen xarunta, waxaanu balanqaaday inay ka wasaarad ahaan ka warhayn doonaan markasta, isla markaana wada shaqayn dhaw ay la sameyn doonaan.