Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo uu weheliyo Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Sh.Jamaal Jaamac Xaamud ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Fulinta Dallada Naafada Heer Qaran ee SNDF Mr Sakariye Axmed Muxumed iyo qaar ka mid ah Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo Turjumaan Luqada suul-dhabaala ah .
Waxana Intii Kulankaasi socday lagaga wada hadlay sidii Dadka baahiyaha gaarka ah qaba loo bari lahaa Aqoonta la xidhiidha Diinta islaamka iyo weliba tababaro luqada suul-dhabaalaha ah oo la siin doono qaar ka mid ah Culimada Dalka .
Waxa kale oo intii kulankaasi socday lagaga wada hadlay sidii ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo Dallada Naafada Heer Qaran ee SNDF ay isaga kaashan lahayeen Fulinta Mashaariic la xidhiidha baahiyaha dhinaca Aqoonta Diinta islaamka ah ee ay qabaan Dadka baahiyaha gaarka ah. .
Kulankan ayaa ka dhacay Xafiiska Wasiirka ugu dambayntiina ku soo dhamaaday wada shaqayn iyo in la dhiiri-geliyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba .
ALLA MAHAD LEH .