Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, Mudane Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa kormeeray dhismaha jidka Hargeysa iyo Wajaale, oo qayb ka ah Mashruuca Berbera Corridor.

Sidoo kale waxa kormeerka ku wehelinyayay guddoomiyaha guddida Berbera Corridor Eng Ciise Yuusuf Xamari iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo soo indha indheeyay sida ay u socoto hawsha jidka mihiimka ah isu xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale.

Masuuliyiinta ayaa intay halkaasi joogeen warbixino ka dhagaystay Guddida Berbera Corridor iyo injineerada dhismaha jidkaasi wada, kuwaas oo warbixin ka siiyay sida ay u socoto hawsha jidkaasi.

Dhismaha jidkani isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale ayaa ah mid shaqadiisu si habsamileh u socoto, kaas oo mihiim u ah isu socodka dhaqan dhaqaale ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya, oo xidhiidh ganacsi oo xoogani ka dhaxeeyo.

Dhismaha jidkani haddii uu guulaysto waxa uu wax weyn ka tari koboca dhaqaale iyo ganacsi ee jidkani caanka ku yahay.

Geesta kale wasiirka iyo waftigiisu waxa ay kormeer ku sameeyeen jidka isu xidha magaalada Gabiley iyo degaanka Caada.

Waxaanay halkaasi warbixino kaga dhageysteen maamulka gobolka Gabiley iyo masuuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa dhismaha jidka Caada iyo Gabiley.