Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bille oo safar shaqo ku jooga dalka KENYA, ayaa booqdey safaaradda Somaliland ku leedahay Caasimadda Dalkaasi ee Nayroobi.

Mas’uuliyiinta sare ee Safaaradda ayaa halkaas ku qaabiley Wasiirka

waxaanu Mas’uuliyiinta Safaarada ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan iib-geynta qadiyadda qarannimada Somaliland.

dhinacooda, Madaxda Safaarada ayaa Wasiirka uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Safaarada Somaliland ku leedahay Dalka Kenya, waxaaney sharaxaad buuxda ka siiyeen hawlaha shaqo ee Safaarada, waxaaney Wasiirka ka gudoomeen bogaadinta ku aaddan Horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya.