Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Maanta Shirgudoomiyey Shir Lagaga Doodayey diyaarinta Siyaasadda Qaran Ee Magaaleynta

01-06-2023 Hargeisa “Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud” Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Maanta Shirgudoomiyey Shir Lagaga Doodayey Diyaarinta Siyaasadda Qaran Ee Magaaleynta.

Shirkan Maanta Waxa Kasoo Qeybgalay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Dhamaan Agaasime Waaxeedada Iyo Lataliyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

Diyaarinta Siyaasadda Qaran Ee Magaaleynta Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ay Curisay qabyo qoraalkiisa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayay Maanta Soo Bandhigeen Khabiirada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee Kala Ah, Eng. Khadar Daahir Iyo Eng Abokor Oo Ah qaar kamida Khabiirada Diyaariyey qaybta hore ee Siyaasadda Qaran Ee Magaaleynta.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Iyo Tirakoobka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo ah hogaanka Waaxda Wasaaradda Uqaabilsan Diyaarinta Siyaasadaha Iyo Shuruucda Ayaa Sheegay In Siyaasadda Ay Ka Waax Ahaan Muddo Soo Wadeen Diyaarinteeda Maantana Soo Bandhigayaan qeyb kamida iyo tusmada guud ee siyaasadu siyaasadu ka koobnaan doonto, Wuxuuna Xusay In Loo Baahanyahay In La qabto shir wadatashi oo loo qabto Daneeyayaasha Ay Khusayso Siyaasadani, Sida Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa-banaan, Dawladaha Hoose, Kadibna waaxdu dhamaystirto, iyadoo loo qaban doon shir ay ku ansixiyaan daneeyayaashu intaan La Horgayn Golaha Wasiirada JSL Si Ay iyana Ansixiyaan Loona Dhaqangaliyo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Sheegay In Maanta Farxad Utahay Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Qaranka Uqaabilsan Qorshaynta Iyo Magaaleynta In Ay Maanta Curiso Siyaasadda Qaran Ee Magaaleeynta, Wuxuuna Bogaadiyey Labadii Khabiir Iyo Waaxda Qorsheynta Ee Soo Diyaariyey, Isagoo Sheegay In La Horgayn Doono Golaha Wasiiradda Wasiirada Somaliland Si Ay Unoqoto Siyaasadda Qaranku Ku Dhaqmo Sida Ugu Dhakhsaha Baddan, Ka Horna Lagagala Sii Tashan Doono Daneeyayaasha Ay Khuseyso Siyaasadani.

 

Bandhige@gmail.com