Wasiirka Wasaaradda horumarinta Khayraadka biyahaJamhuuriyadda Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa maanta sirasmiya xadhiga uga jaray shan ceel oo cusub iyo Sagaal ceel oo la saaray ilayska tamarta qoraxda ku shaqeeya.

Wasiir Cali ayaa sheegay in ceelasha ay maanta xadhiga ka jareen ay yihiin mashaariic balaadhan oo lagu soo kodhiyay biya balaadhinta magaalada Burco, kuwaas oo ka kooban 5 ceel oo cusub iyo 9 ceel oo nidaamka qoraxda laga dhaliyo lagu soo kordhiyay, waxaanu xusay in lagaga maarmayo shidaalkii badnaa ee la isticmaalayay, isla markaana degaanka wax lagaga qabanayo.

Geesta kale waxa uu xusay in ay ku wareejiyeen mushiino waa weyn wakaalada biyaha ee Burco, waxaanu tilmaamay in isku xidhka nidaamka ceelashaasi ay hanti badani ku baxday, waxaanu intaas ku daray in ceelashani ay yihiin kuwii uu madaxweynaha JSL dhagax-dhigey safarkiisi u danbeeyay ee ku tagey magaalada Burco.

Dhanka kale waxa uu sheegay in guud ahaan ceelasha biyaha siiya magaalada Burco ay yihiin 23 ceel-biyood, waxaanu intaas raaciyay in iskaashiga masuuliyiinta wakaalada biyaha iyo maamulka gobolka ay ku hirgaleen shaqooyinka socda.
Gaba’gabadii waxa uu sheegay in Miisaaniyada Qaranka laga hirgeliyay Ceelashan, halka qayb ahaana Baanka horumarin looga sii qaatay

Bandhige@gmail.com