Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Cabdi Cismaan Dhaga-wayne iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa xarunta wasaaradda ku qaabiley wafti ka socda hayโadda UNIDO, oo ka shaqaysa horumarinta warshadaha.
Hayโadda UNIDO, oo ka shaqaysa horumarinta warshadaha, ayaa rabta ay door mihiima ka ciyaarto sidii loo horumarinlaha adeeg bixinta warshadaha dalka JSL.
Kulanka masuuliyiinta iyo hayโadda oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda maalgashiga ayaa mudadii uu socday lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha horumarinta adeegyada warshadaha dalka.
Kulankaas oo muddo qaatay waxa lagaga wada hadlay qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin, xaalada warshadaha dalka, xoojinta wada shaqayneyd ee warshada iyo hayadda iyo sidii loo horumarinlahaa warshadaha dalka iyo in ay hayโaddu la kulmi doonto ururka warshadleyda dalka, isla markaana ay kala shaqayn doonaan horumarinta Warshadaha dalka.