Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Axmed Idiris ayaa maanta daah furay kulanka dhamaystirka qorshe hawleedka wasaaraddaas ee sannadka 2024-ka.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Axmed Idiris ayaa maanta daah furay kulanka dhamaystirka qorshe hawleedka wasaaraddaas ee sannadka 2024-ka.

Waxa kulankan ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland iyo agaasimeyaasha waaxyaha wasaaraddaas, waxaana kulankani inta uu socdo lagu falan qayn doonaa qorshe hawleedka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland ee sannadkan foodda innagu soo haya ee 2024-ka.

Waxa sida oo kale kulankan dib loogu eegaayey waxyaalihii qabsoomay sannadkan sii galbanaaya ee 2023-ka ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland,waxa aanna ugu horayn kulankan ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Yuusuf Warsame Xasan, waxa aannu tilmaamay in shirkani daarna ujeedkiisu soo gebo gebaynta qorshihii wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ee sannadkan sii dhammaanaaya ee 2023-ka iyo qaybihii aan qabsoomin,iyada oo la gorfayn doono sababaha ay u qabsoomi waayeen,sida Agaasimaha guud sheegay.

Ugu dambayna waxa halkaas ka hadlay Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Axmed Idiris, waxa aannu tilmaamay in ay mudnaanta kowaad siinayaan ka mas’uuliyiin ahaan sida ay qorsheyaashoodu u kala mudan yihiin.

 

Xigasho:Wargeyska Dawan