Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Axmed Yuusuf Idiris ayaa shir-guddoomiyey kullan oo lagu falanqaynayey qorshaha shaqo ee sannadka 2024-ka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Axmed Yuusuf Idiris ayaa shir-guddoomiyey kullan oo lagu falanqaynayey qorshaha shaqo ee sannadka 2024-ka

Kullankan oo ay qayb ka ahaayeen dhammaan agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee wasaaradda.

Iyadoo halkaa lagaga doodday qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Tiirarka (Pillars) lagu salayn doono qorshaha Sanadka soo socda ee 2024-ka (Annual Work Plan Pillars) iyo sida ay mudnaanta u kala yeelan doonaan qorshayaasha shaqo ee Wasaaraddu.

Waxaana ka soo baxay qodobbo waxtar u leh qorshe Hawleedka Sannadka soo socda.