Wasiirka wasaaradda iyo sayniska JSL ayaa soo xidhay shirka Qorshaha Xogta Waxbarashada Qaranka.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa ku saabsanaa sidii loo wanaajin lahaa, isla markaana xog dhamaystiran loo soo gudbin lahaa, taas oo lagu salayn doono qorshaha iyo hawlqabadka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, waxaana shirkan loo qabtay guddoomiyayaasha gobollada iyo masuuliyiinta xafiisyada barnaamijka weel xogeedyada wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Shirkan ayaa mudadii uu socday waxa laga soo saaray qodobo mihiima, kuwaas oo salka ku haya xogaha waxbarashada taas oo masuuliyiinta waxbarashadu adeegsan doonaan haddii ALLE Idmo.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo shirkan soo xidhay aaa sheegay in qodobada shirkan ka soo baxay ay noqon doonaan hagaha wasaaradda waxbarashadu ay adeegsan doonaan, isla markaana uu wax weyn ka tari doono geedi socodka waxbarasho ee dalka.