Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ururadda la shaqeeyaan ayaa waxay maanta sida wada jir ah waxay daah-fureen ololaha 16-ka cisho ee ka-hor-tagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka.
Musaasibadan oo wadajir u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ururadda maxaliga iyo caalamiga ahi, waxa ka soo qayb galay Wasiir-ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta iyo Guddoomiyaha Xuquul Insaanka Somaliland.
Ugu horeyn waxa musaabidan ka hadlay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luul Aadan Geedi oo sharaxaad dheer ka bixisay ujeedada ololahan iyo dhibaatooyinka uu leeyihiin tacadiyada ka dhanka ah, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:
“Maanta waxaynu daah-furay ololaha 16-ka cisho ee tacadiyada ka dhanka haweeenka, kuwaasi oo looga dan leeyahay joojinta tacadiyadaas oo dhibaatooyin badan ku haya haween sida mid jidheed, maskaxeed iyo dhaqaalaha oo inta badan ku baxa sidii caafimeedkeeda loola tacaalilahaa.”
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadashay Agaasimaha Dallada Nagaad Nafiisa Yuusuf oo ugu baaqay xubnaha baarlamaanka iyo xukuumadaba in ay ka faa’iidaystaan sidii loo ansixin lahaa xeer kufsiga ee horyaala baarlamaanka.
Sidoo waxa isagun munaasibadan ka hadlay Agaasimaha Dallada NAFIS Cabdiraxmaan Gaas oo sheegay in ay ururada bulshada yihiin qaybta ugu weyn ee qayb libaax leh ka qaata dabar goynta tacadiyada ka dhanka haweenka, sidoo kale waxa uu ugu baaqay barlamaanka in ay meel mariyaan xeerka kufsi oo wax badan ka qaban doona tacadiyada ka dhanka ah haweenka.
Waxa kale oo munaasibadan ka hadashay Guddoomiyaa Dallada Naafada Somaliland Nuura Maxamuud Nuur ayaa waxay sheegay in tacadiyada ka dhanka haweenku ay u nugul yihiin, siiba haweenka naafada ah oo guryaha dhexdooda oo cidlo ah lagaga tago, kuwaas oo ay sheegtay in ay jirtay haweenay naafo ah oo guri lagaga tegay kadibna la kufsady lana garan waaweyey cidii kufsatay.
Ugu dambayntii waxa uu wasiirka wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cumar Sheekh Maxamed oo ka hadlay furitaanka ololaha ayaa waxa uu sheegay muhiimada ololaha 16-ka cisho iyo ujeedooyinka ay wasaaradda iyo ururada ka shaqeeyaa ka leeyihiin.
Isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxaan maanta halkan ka furayaa ololaha 16-ka cisho ee ka dhanka tacadiyada haweenka, kuwaas oo ku soo badanaya guud ahaanba waddankeena.”
Isagoo wasiirku hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“Waxaan baarlamaanka oo ay horyaalaan shuruucdii lagu hagi lahaa tacadiyada ka dhanka haweenka iyo arrimaha bulshada ay dar dar geliyaan ansixintooda.”
Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in uu inta lagu guddo jiro 16-ka maalmood ay dardar gelin doonaan sidii xeerarkaa loo ansixin lahaa iyo siyaasada Gudniinka gabdhaha oo muddo lix sanno aan la ansixin iyadana oo uu horgeyn lahaa golaha wasiirada.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:
https://www.youtube.com/watch?v=GaVmBtoogcc