Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Ayaa Furay Kulan Aqoon-korodhsi Ah oo Ku Saabsan Diyaarinta Warbixinaha Tahriibka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Ayaa Furay Kulan Aqoon-korodhsi oo Ku Saabsan Diyaarinta Warbixinaha Tahriibka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta uga  furay Hudheel Maansoor Kulan aqoon-korodhsi oo ku saabsan Diyaarinta Warbixinaha Tahriibka qaar kamid ah Suxufiyiinta  Somaliland.

Ujeedadda Kulanka ayaa ah in lagu kobciyo ogaalka iyo xirfadaha  diyaarinta warbixinaha, waxaana ka qaybqaadanaya Waaxaha Warbaahinta ee Wasaaradda iyo Ururada Saxaafadda Madax-bannaan ee SOLJA, WIJA iyo SIBA.

Kulankaas oo ay soo diyaarisay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxa maalgelisay Haya’ada Socodaalka Qaramada Midoobay ee IOM.