Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa maanta soo xidhay tababar socday muddo 10 cisho ah kaas oo lagu tababaraayay habka Meeris Dhigaalka ( Teaching at right level.TaRL)

Taba barayaal ka kala socoday gobolada Awdal, Gabiley, M-jeex iyo saaxil, isla markaana sii tababari doona macalimiinta dugsiyada hoose ee goboladaas, gaar ahaana macaliinta xisaabta iyo somaliga si ay ardayda uga dhisaan xisaabta iyo hab qoraalka somaaliga gaar ahaan ardayda dugsiyada hoose.

Tababarkan oo ay bixinaayen khubaro ka kala socday Wasaaradda waxbarashada,TaRL Africa, AET iyo UNICEF oo ka taageeraysay dhinaca farsamada. Hab dhigaaledkan cusub ayaa ah hab cusub oo lagu soo kordhiyay hababka kala duwan ee ardayda wax loogu dhigo(Educational Methodology) isla markaana laga bilaabay wadamo badan oo aduunka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa ka soo qayb galayaasha ku dardaarmay inay hawshaa loo igmaday isla markaana lagu tababaray sideeda uga soo baxaan oo aqoontaa la siiyay u sii gudbiyaan macalimiinta iyo kormeerayaasha ay tababari doonaan, Wasiirka ayaa sidoo kale u mahad celiyay TaRL Africa, AET iyo UNICEF taageerida iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin wasaaradda wax bararshada iyo sayniska.

Tababarkan ayaa kamida kuwa kor loogu qaadayo tayada waxbarashada ardayda.