Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL,ayaa casho sharaf u sameeyay kooxda kubada cagta ee w.w&s

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa casho sharaf u sameeyay kooxda kubada cagta ee w.w&s.

Munaasibadan ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka W.W&S, xubno ka mida agaasime waaxeedada wasaarada waxbarashada iyo ciyaartoyda casho sharafta loo sameeyay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo halkaa ka hadlay ayaa ciyaartoyda ku hambalyeeyay guulaha ay ka gaadheen tartanka shaqaalaha hay’addaha dawlada, isagoo kula dardaarmay inay halkaa kasii wadaan dadaalka.