Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland,goobaha waxbarashada dalka in ay lacagta Fiiga, mushaharka, kharashaadka….

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku amray goobaha waxbarashada dalka in ay lacagta Fiiga, mushaharka, kharashaadka iyo lacagta kasta oo sharciga waafaqsan ku qaadaan kuna bixiyaan lacagta Shilling-ka Somaliland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo soo gaadhey xafiiska war-qabadka Wargeyska Dawan ayaa u dhignayd sidan:-

Anigo tixraacaya go’aamadii ka soo baxay guddida la dagaalkanka sicir bararka iyo kor u qaadista qiimaha shilinka Somaliland, iyaga oo ka duulaya qiimaha ay leedahay adeegsiga qiimaha adeegsiga Somaliland Shiling, maadama ay tahay lacagta Sharciga ah ee dalka.

Waxaan Ogeysiinayaa dhammaan goobaha waxbarashada in lacagta Feega, mushaharka, kharashaadka iyo lacagkasta oo sharciga waafaqsan ay ku qaadaan kuna bixiyaan Shilinka Somaliland, iyada oo la raacayo Sarifka maalinlaha ah ee uu soo saaro baanka dhexe ee JSL.

Sidaas darteed waxa kale oo la Ogeysiinayaa lana faraya waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan inay lacagaha ku bixiyaan Shilinka JSL.