Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa ka hadlay Xoolo laga dhoofiyey Dekedda Berbera oo Sucuudigu dib u soo celiyey

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa ka hadlay Xoolo laga dhoofiyey Dekedda Berbera oo Sucuudigu dib u soo celiyey.

Wasiir Siciid Sulub oo ku sugan Magaalada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ayaa sheegay in Sucuudigu iska Caadaystay inay Xoolaha loo dhoofiyo ay marmarka qaarkood iska soo celiyaan iyagoo eegaya arrimo iyaga u gaar ah, laakiin suuqa Xoolaha ee Sucuudigu uu weli u furan yahay Somaliland.

Wasiirka oo daba socdo eedaymo uu soo celinta Xoolahaasi ugu jeediyey Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI ayaa wuxuu yidhi “Eedayntaasi waa eedayn aan Macno lahayn, Cidda ka hadashayna waa Cid aan Macno lahayn, Badeecad baynu dhoofinay, Badeecaddaada haddii la soo diido waad ceshanaysaa uun.”

Wasiir Siciid Sulub waxa kale oo uu sheegay “Ninkaasi wuu iska caadaystay, shaqaanu moodayaa inuu wax dhaliilo, Xoolaheena waatii la fasaxay, dhowr iyo Toban Markab ayaa ka degay Dekedda Jiddah, waxay Maalin walba u dhoofaan Masar, Dalal kalena way u dhoofaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in soo celinta Xooluhu wax cusub aanay ahayn, balse Dalalka Suudaan iyo Jabuutiba uu Sucuudigu intaas oo Markab ku soo celiyo “Jabuuti, Suudaan-ba Xoolaha waa lagu soo celiyaa, waana sida ay iyagu wax u arkaan ama u fikirayaan (Sucuudigu).”

Wasiirka oo ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee WADDANI oo ahaa inaan Xukuumaddu kala hadal Sucuudiga Xoolaha la soo celiyey ayaa yidhi “Maxaa lagala hadlayaa Sucuudiga Xooluhu way u furan yihiin oo muu joojin, Xanuun Xoolaha la soo celiyey ka muuqdaana ma jiro oo waanu baadhnay. Dalalka wax dhoofiya ayaynu la mid nahay, intaas oo Markab baa ku soo noqday Jabuuti, intaas oo Markab baa ku soo noqday Suudaan, maxay kuwaa kaga duwan nahay Somaliland.”

Wasiir Sulub oo la waydiiyey waxa ka jira in Xoolaha las oo celiyey lagu arkay xanuun, ayaa ku jawaabay “Wax Alaale iyo wax cudur ah oo ay noo sheegeen ma jiro (Dadka Xoolaha dhoofiyey), neef baa wax laga helaybaa la yidhi, Neefkii lama soo calaamadanin, waa arrin ay iska Macaamilaan Sucuudigu.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu su’aal geliyey waxa uu hadal haynta arrimahan ka helayo Xoghayaha Xanaanada Xoolaha WADDANI “Muxuu ka helayaa Ninka Warbaahinta wadwadaa sheekadaasi had iyo goor, annagu Xukuumad ahaan Ninkaasi ayaanu la yaabanahay, Tallaabana waanu qaadan oo waanu waydiin wuxuu ka helayo Xoolaheena marka uu Cudurka ku sheegayo”

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu sheegay in aanay WADDANI isku ogayn inuu waddanka burburiyo “Xisbiga WADDANI waa Xisbiyagii oo iskuma ogin inay waddanka burburiyaan oo ay Badeecadaha ka joojiyaan oo ay Nashuushad ku furaan, siyaasad Waddanina maaha in xoolaheena la joojiyo oo ay dacaayadeena..” ayuu yidhi, Wasiirka oo u warramay Telefiishanka Eryal.

Ugu dambayn, Wasiir Siciid Sulub Maxamed ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI, ka hor intaan Madaxweyne Biixi u Magacaabin Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga.

Xigasho: Geeska Afrika