Wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta kallumaysiga JSL mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta ka qayb galay shirkii todobaadlaha ahaa ee agaasimayaasha wasaaraddaasi.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta kallumaysiga JSL mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta ka qayb galay shirkii todobaadlaha ahaa ee agaasimayaasha wasaaraddaasi.

Shirkaasi ayaa waxaa ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Axmed Cali Maax.

Shirkan oo ay kasoo wadda qayb galleen dhamaan agaasimaye waaxeedada wasaaradda ayaa lagaga hadlayey wixii u qabsoomay todobaadkii dhamaaday, iyagoo sidoo kalena dhigay qorshaha todobaadkan bilawga ah, si loo dardar galiyo shaqada maalinlaha ah ee ay wasaaraddu ka waddo guud ahaan daryeelka iyo sarre u qaadida shaqada ay u hayso bulsho weynta kuxidhan adeegyada ay bixiso wasaaraddu.