Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga agaasimaha guud ee wasaaradaasi,ayaa siwada jira u dhagax dhigay Dhismaha Mashruuca Barwaaqo

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga Siciid Sulub Maxamed iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, ayaa siwada jira u dhagax dhigay Dhismaha Mashruuca Barwaaqo ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Togdheer.

Dhismaha Mashruucani waxa dhisaysa shirkadda dhismaha Al karaama Constraction & Constract Company.Munaasibadda dhagax-dhiga mashruucan waxa ka soo qayb galay, wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, madaxda Mashruuca Barwaaqo iyo Qaar ka mida agaasime waaxedyada Wasaaradda, mudan iyo marti sharaf kale.

Ibraahin Cumar Cismaan iyo Cabdiqaadir Maxamed Guuleed oo ka socday Mashruuca Barwaaqo, ayaa sheegay in dhismahan maanta la dhagax dhigey mashruuca Barwaaqo waxtar weyn u leeyahay Qaranka.

Axmed Maxamuud Cismaaan oo ka socday shirkada dhismahan nasiibka u heshay inay dhisto ayaa ballanqaday inay hirgalin doonan dhisme tayo, isla markaana ku dhamaan doona wakhtiga loo qabtay dhismaha xarunta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo Horumarita Reer Miyiga ayaa sheegay in dhismahani wax badan ka tari doono baahiyaha wasaaradda lagunna adeegi doono bulshada xoolo dhaqato beeraleyda.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Siciid Sulub Maxamed, isaga oo ka waramay qaabka dhismaha iyo sida ay uga faaiidaysan doonan mashruucan, ayaa bulshada gobolka Togdheer ku adkeeyay inay ilaashadaan.