Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland oo maanta ka Qayb galay Munaasibad Qado Sharaf ah oo Lagu Maamusay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada JSL

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa maanta magaalada Hargaysa kaga qayb galay munaasibad qado sharaf ah oo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ku Maamusay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada JSL Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon .
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibadaas khudbad ka jeediyey ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uga mahad-naqay Qado sharafta uu ku maamusay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo Marti sharafta kale ee kasoo qayb gashay.

” Mahad ALLE kadib waxa aan Hambalyeynayaa Doorashadii shir gudoonka ee shalay inoo dhacday taas oo uu ku guulaystay Yasiin Faratoon ,waxa kale oo aan hambalyeynayaa Ragii laga guulaystay ee sida gobanimada leh u haniyeeyay doorashada iyo weliba hawl wadeenadii kale ee hawsha ka shaqeynayay ” Ayuu Yidhi Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland .

ALLA MAHAD LEH .

Nuur Cali Maxamed
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland.