Wasiirka Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Dalxiiska, Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa furay kulan u dhexeeyey Shirkadaha dalka keena Gaadiidka kala duwan ee dibada laga soo dhoofiyo iyo Wasaaradaas.

Kullankaas ayaa waxa lagu gorfeeyay sidii loo hirgelin lahaa siyaasadda ganacsiga gaadiidka dalka la keeno, iyadoo laga duulaayo bed-qabka bulshada.

Wasiirka Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Dalxiiska, Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa sheegay in ujeedada kulankaasi tahay sidii loo hirgelin lahaa siyaasadda ku saabsan gaadiidka dalka loo soo dhaafiyo, waxaanuu intaas ku daray in wasaaraddu xooga saarayso sidii siyaasadaasi u noqon lahayd mid illaalisa bad-qabka bulsahada ee dhanka gaadiidka.

Waxa kullan kaas wariirka ku wehelinaayay wasiir ku xigeeneka wasaaradda ganacsiga Muuse Ibraahin Yuusuf iyo qaar ka mida madaxda waaxyaha wasaaraddaas.