Wasiirka waxbarashada Jsl ayaa magaalada Jiddah kaga qaybgalay shirweynaha waxbarashada ee dalalka Carabta

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Axmed Maxamed Diiriye oo ay ka mid ahaayeen Madaxa arrimaha Carabta ee WW&S Amb. Axmed Jaamac Ibrahim iyo Lataliye Siciid Maxamed Jaamac oo beryahan ba booqasho shaqo ku joogay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa magaalada Jiddah kaga qaybgalay shirweynaha Waxbarashada ee dalalka Carabta.

Shirweynahan oo qabsoomay intii u dhexaysay 23-24/2/2020 ayaa lagu lafagurayay fursadaha ay haystaan iyo caqabadaha hor taagan tacliinta sare, gaar ahaan sida tacliinta ula jaanqaadayso kacaanka warshadaynta ee 4aad (fourth industrial revolution) iyo adeegsiga technolojiyadda ee qaybaha nolosha.
Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirrada tacliinta sare ee dalalka Masar, Sucuudi Carabiya iyo Somaliland iyo madaxda in ka badan 100 jaamacadood oo daafaha dunida isaga yimi.

Dhinaca kale, weftigu waxa ay kulammo ku saabsan horumarinta waxbarashada Somaliland la qaateen jaamacadaha shirka ka soo qayb iyo Baanka Horumarinta Islaamka, iyada oo ay isla qaateen in jaamacadaha dalalka Carabta ku yaalla qaarkood ay laamo ka furtaan Somaliland, gaar ahaanna kuwa looga dambeeyo aqoonta injineernimada iyo farsamada gacanta.

Sidoo kale waxa kulammadaas lagaga wada hadlay in dalalka Carabtu deeqo waxbarasho siiyaan ardayda Somaliland ee heerarka jaamacadeed ee kala duwan gelaya.
Si kastaba ha ahaatee, arrinta shiweynahan lagaga doodayay ayaa ah mid ay Somaliland muhiimadda saarayso in hannaanka internetka waxbarashada lagu gaadhsiiyo dhulalka fogfog iyo goobaha waxbarashada.