Wasiirka Waxbarashada oo la shiray Hay’addaha Caalamiga ah    

Wasiirka Waxbarashada oo la shiray Hay’addaha Caalamiga ah

 

Qore: Boqore A. Cabdi

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley qaar ka mid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha Somaliland, kuwaas oo wada shaqayn dhaw la leh dhamaan wasaaradaha iyo Hay’addaha madaxa bannaan ee dalka.

Hay’addaha caalamiga ha ee uu wasiirku wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland uu la kulmay waxa ka mida hay’adaha Save Children iyo Care International oo uu hogaaminayo Madaxa Afrika ee Save Children International Denmark, Mr Jackob Eilsoe Mikkelsen.

Kulanka wasiirka waxbarashada iyo Sayniska iyo masuuliyiinta hay’addaha Caalamiga waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo La-taliyaha Wasiirka, kuwaasi oo goob joog ka ahaa kulankan mihiimka ah ee ay isku xog-waraysanayeen wasiirka iyo Hay’addaha caalamiga ah ee shaqada dhaw la leh wasaaradda waxbarashada.

Kulankan la a geesoodka ahaa waxa lagaga wada hadlay hawl socodsiinta mashaariicda hadda socota ee uu maalgeliyo Midowga Yurub iyo mudnaanta horumarinta waxbarashadda ee 2024-2026, sidoo kale waxa la isla qaatay in hirgaliyaan mashaariicda ay ka fuliyaan dalka hay’addahan caalamiga ahi, iyada oo mudnaanta la siinayo mashaariicda waxbarashada khuseeya ee fulintooda ay qaabilsan yihiin Hay’addahani.

Gebo’gabadii kulankan ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo la isla qaatay dhammaan qodobadii kulankani ku saabsanaa iyo fulintooda.