Wasiirka Waxbarashada oo u jawaabay ra’iisal-wasaare xigeenka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane “Cabdillaahi-Dheere” ayaa ka jawaabay hadal ka yimid Maxamed Cumar Carte oo ah Ra’iisal-Wasaare Xigeenka Soomaaliya kaas oo sheegay in deeqaha waxbarashada ee la siiyo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ay Somaliland qaybteeda hesho toosna loogu hagaajiyo wasaaradda waxbarashada.

Wasiir Cabdillaahi-Dheere wuxu sheegay in aanay waxba ka jirin warka sheegaya in ardayda Somaliland ay hesho deeq waxbarasho oo Soomaaliya loo soo mariyey haddii aan Xamar lagu dhex iibin.

Cabdillaahi-Dheere wuxu Maxamed Cumar Carte ku dhalliilay in anay jirin cid u dirsatay in uu deeq waxbarasho u soo qaado Somaliland maadaama Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo kala madax bannaan.

Wasiir Cabdillaahi wuxu beesha caalamka ugu baaqay in deeqaha waxbarasho ee Somaliland loogu talo-galay sideeda loo siiyo loona tix geliyo qaran madax bannaan.

Wasiirka Waxbarashadu sita muuqata wuxu tixraacayey waraysi uu weriyaha Star Tv la yeeshay Ra’iisal-Wasaare xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte kaas oo la baahiyey darraad.

Bandhige@gmail.com