Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa loo dhaariyey xubin Golaha Wakiillada ah

Wasiirkii shalay is-casilay ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa maanta loo dhaariyey xubinimo Golaha Wakiillada ee Somaliland ah. Wuxu buuxiyey jagadii bannaanaatay kadib markii uu geeriyooday marxuum Barkhad Miigane oo laga soo doorta gobolka Awdal.

Hoos ka akhriso qoraal kooban oo warkan ku saabsan oo ay warbaahinta la wadaagtay Hargeisa Press.

Dhaarinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin waxa ay ka dhacday Maxkamadda Sare ee Somaliland ka dib markii uu Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Garqaan Aadan Xaaji Cali  maanta Xafiiskiisa ku dhaariyay.

Mudanahan ayaa bedelaya Mudane Maxamed Barkhad Miigane oo ka mid ahaa Golaha Wakiiladda Somaliland oo geeriyooday badhtamihii sannadkan, isla markaana Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa noqonaya Mudanaha bedelaya mudanaha geeriyooday oo ay ka wada tirsanayeen xisbigii UDUB.

Xildhibaan cusub oo ku soo biiray Golaha Wakiiladda Somaliland, kaas oo ah mudane Axmed Cabdi Kahin Wasiirkii hore ee wasaarada Ciyaaraha Somaliland, oo buuxiyay xubinimadii ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane Xamaal oo dhawaan geeriyooday.

Xildhibaan. Axmed Cabdi Kahin, oo xiligan ku jiray kaydka koowaad ee Murashaxiintii doorashadii Wakiiladda ee xisbigii UDUB gobolka Salal.

Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamada sare ka dalbaday dhaarinta xubinimada baarlamaanka ee uu buuxiyay sida sharciga xeerka doorashooyinku dhigayo.