Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda oo laga yaabo in la magacaabo

Kadib is-casilaaddii maanta ee wasiirrada, waxa bilaabmay hawsha la xidhiidha soo xulista ciddii beddeli lahayd jagooyinka la banneeyey iyo sidoo kale tartan ay dadka qaar ugu jiraan mansabyadan buuxintooda.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa la isla dhex marayaa in loo magacaabi doono jagada uu banneeyey Maxamed Biixi Yoonis. Dhinacyo kala duwan oo aanu la xidhiidhnay waa ay noo xaqiijin kari waayeen waxa warkan ka jira.

Sidoo kale waxa suuqa ku jirta, walow aanay ahayn xan xoog badan, in laga yaabo in Dr. Sacad Cali Shire la magacaabo.

Caawa, berito iyo maalmaha xiga ayaa la filayaa in madaxweyne Siilaanyo uu jagooyinkan buuxiyo. Labada jago ee ugu muhiimsan ee indhaha lagu hayaa waa Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda.

bandhige@gmail.com