Wasiirkii hore ee arrimaha dibeddu wuxu beeniyey in uu saxeexay heshiis federaal ah, wuxuna gantaalo ku ganay Wasiir Xirsi

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa been cad ku tilmaamay hadal la sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somalilan Xirsi Cali Xaaji Xasan ku eedeeyey  Dr. Maxamed Cabdillaahi in xilligii uu shaqada arrimaha dibedda hayay uu heshiis la galay dalka Sucuudiga ku saabsan in Somaliland qaadatay hannaanka federaalka. Dr. Maxamed Cabdillaahi warkan wuxu ku macneeyey war aan sal iyo raad toona lahayn.

“Heshiis federaal  ah iyo wax la mid ah oo intii aan wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ahaa  aan saxeexay ama dhex maray Somaliland  iyo Soomaliya  ma jiro, aniga iyo madaxweyneha toona. Shirkii wadahadallada ee aan la galnay Soomaaliya waa mid aan madaxweynaha ka wada shaqaynaynay oo mar walba iskaga warhaynay, markii danbena aan u soo bandhigaynay bulshada” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi.

Wasiirkii hore Dr. Maxamed Cabdillaahi wuxu Wasiir Xirsi ku eedeeyey in uu kala hadlay oo uu marna isaga eedeeyey haddana beeniyey, waxaanu sheegay in eedayntaas uu Wasiir Xirsi wax ku yeelayo oo kaliya xukuumadda uu hadda ka tirsan yahay.

Dr. Maxamed Cabdillaahi wuxu Star TV u sheegay in Wasiir Xirsi yahay mucaaridka ugu weyn ee ku dhex jira xukuumadda Siilaanyo isla markaana yahay nabar ku yaalla xukuumadda uu ka midka yahay.

“Ha la waydiiyo Xirsi halka uu warkan ka keenay. Wuxu mucaaradad u horseedayaa xukuumadda uu ka tirsan yahay” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi.

Maalmihii u dambeeyey waxa ay warbaahintu qaadaadhigaysay warar sheegay in shabakadda Wikileaks ay baahisay Somaliland iyo Somaliya oo heshiis wada saxeexday, taas oo kicisay duufaano siyaasadeed.

Wasiir Xirsi ayaa bogga uu ku leeyahay Facebook-ga ku beeniyey in uu Dr. Maxamed Cabdillaahi eedeeyey, sidoo kale wuxu beeniyey jiritaanka warka sheegaya in Somaliland federaal saxeexday.

Xisbiyada mucaaridka iyo Madasha Wada-Tashiga ayaa si ba’an xukuumadda ugu weeraray in ay iibisay qaranimadii Somaliland ee tacabka badan loo soo maray isla markaana ay tahay xukuumad khaayinimo ku kacday oo aan qaranka lagu aamini karin.

Baraha loo yaqaan warbaahinta bulshada oo Facebook-gu ugu horreeyey ayaa si weyn loogu wadaagay waraaqo iyo warar sheegaya in Somaliland ay saxeexday federaalnimo sannadkii 2012-kii.

Hase ahaatee Bandhige oo raadiyey link-ga rasmiga ah ee Wikileaks ee la sheegay in wararkan lagu baahiyey waa ay u suurtogeli wayday in uu helo, sidaas daraadeed hadda ma kala xaqiijin karno in warkani yahay borobogaandho iyo in uu yahay mid jira.

Bandhige@gmail.com