Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda oo laga hor-istaagay shir ka socday Caynabo

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan oo saaka ka qayb galayey shir ka socday Caynabo oo ay ku shirayeen beel degta deegaankaa.

Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ka mid ah kooxda dibbed wareega ah ee ka cadhootay shir weynihii Kulmiye ee musharaxa madaxweyne loogu doortay Muuse Biixi Cabdi.

Xirsi ayaa waxa markii dambe loo ogolaaday in uu ka qayb  galo xaflada xidhitaanka shirkaas oo maanta lagu soo gebgebeeyey.

Shirkan ayaa waxa u hore u joogay oo saaka ka ambabxay Burco wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa Madaxweyne ee doorashada soo socota Muuse Biixi Cabdi.

bandhige@gmail.com