Wasiirkii hore Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay duruufaha loo cuskaday muddo kordhinta Xukuumadda iyo Wakiilada

Wasiirkii hore ee Wasaararda Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka waramay xaalada guud ee uu dalku maraayo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxaanu ku eedeyey xukuumadda inay gabtay xilkii shacabku u doortay isaga oo sheegay inay jirto xil gudasho la,aan ka muuqdata xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay waxba kama jiraan tahay dhamaan duruufaha loo cuskaday muddo kordhinta loo sameeyey Baarlamaanka iyo Xukuumadda,

Dhinaca kale waxa uu Maxamed Xaashi Cilmi sheegay in xukuumadda sharciga lala tiigsado maadamaa ay ku guul daraysatay in dalka ay Doorasho ka hirgaliso, waxaanu Maxamed Xaashi nasiib daro ku tilmaamay in saddexdii hay’adood ee dalka ugu sareeyey ay mar qudha muddo kordhin u wada tafaxayteen, iyada oo aanay jirin wax caqabad ku ah oo horyaala in doorashada xiligeedii la qabto.

Waxaanu si toos ah uga hadlay hadalkii uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in Golaha Guurtidu yahay golle sharci ah, sidoo kale Maxamed Xaashi waxa uu ka dayriyey tirade xad-dhaafka ah ee Gollaha wasiirada xukuumadda Siilaanyo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan

“Xukuumaddii way ka seexatay xilkeedii oo way gabtay, runtii waxay ahayd in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado, sharcina maaha maanta oo way iska fadhiyaan uun saddexdii hay’adood ee dalka ugu sareeyey, haday noqoto Xukuumadda, Guurtida iyo Wakiiladu toona midna sharci maaha, waana nasiib darooyinka ka jira wadanka.”

Waxa kale oo ka hadlay heshiishka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka waxaanu yidhi:

“Arinta kale, xukuumadda iyo axsaabtu ku heshiiyeen waxay ahayd siyaasad, Guurtida ayaana kala daadisay, looma fadhiyin inuu Madaxweynuhu yidhaahdo Guurtidu waa sharci, laakiin waxay ahayd inuu garto inay sharci daro tahay, runtii Madaxweynuhu wuu ka war qabaa inuu xilkiisii ku dhamaaday masuuliyad darro oo wax dhibaato ah oo doorasho loo qaban waayaa aanay jirin.”

Dhinaca kale Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlaaya tirade xad dhaafka ah ee Wasiirada Xukuumada Siilaanyo waxa uu yidhi:

“Dalkeenu waxa uu leeyahay 57 wasiir iyo wasiir-xigeeno isugu jira, runtii dalkeenu waa dal yar oo faqiir ah mar ka adduunka loo eego, umana baahna waxaas oo wasiiro ah, mida kale wasiiradeenu waxay ka lacag badan yihiin wasiiro dalalka inaga waaweyn,hadii aan tusaale u soo qaato Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale waxa uu mushahar u qaadanaayey $36171 bishii halka Madaxweynaha dalka Maraykanku ka qaato, $ 32312 iyo wax la hal maala, hadii aad maanta eegto liiska wadamada adduunka maanta dawladeena cid ka kharash badani ma jirto.”

Maxamed Xaashi Cilmi oo haatan ka tirsan Madasha wada-tashiga oo dhawaan xisbiyada mucaaridka ay ku midoobeen Isbahaysiga Mucaaridka kuna qabteen Hargeysa shirka aayo ka tashiga doorashada iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka.

bandhige@gmail.com