Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka,ayaa tababar usoo gabo-gabeeyay Shaqaalaha Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa

Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane liiban Yuusuf Cismaan Gaaxnuug ayaa tababar usoo gabo-gabeeyay Shaqaalaha Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo Tababar u socday saddexdii bilood ee u dambeeyay.

Wasiirka ayaa waxaa wehelinayay agaasimaha guud ee Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargaysa, agaasime ku xigeenka Cusbitaalka, safiir ku xigeenka Safaradda dalka Taiwan, iyo masuuliyiin ka kala socday Taiwan Medical Mission, Jaamacadda Hargaysa iyo NHPC mudan iyo marti kale.

Wasiirku xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo madasha lagu soo gaba-gabaynayay tababarkan hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn u hambalyeeyay Shaqaalihii dhamaystay tababarkan mudadii uu socday, isagoo kula dardaarmay aqoontii ay barteen inay ugu adeegaan Bulshadooda oo ay dib ugu celiyaan Cusbitaalka.

Gabo-gabadii Wasiirka ayaa shahaadooyin iyo hadyado kala duwan gudoonsiiyay Shaqaalihii dhamaystay tababarka mudadii uu socday.