Wasiirradii weftiga ugu baxay sanaag oo booqday beel ku shiraysa duleedka Caynabo

Weftib wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde ayna weheliyaan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Hawlaha Guud Cali-Mareexaa iyo Wasiir-Xigeenka Kalluumaysiga oo maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku marayey gobolka Sanaag ayaa booqday beesha Reer-Yoonis oo ku shiraysa duleedka Caynabo. Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka hoos ku xusan oo fiidkii ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

War-saxaafadeed:

Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland cali maxamed warancade oo ay weheliyaan wasiirada madaxtooyada, howlaha guud iyo wasiir ku xigeenka wasaarada kalluumaysiga oo safar shaqo ku joogay magaalada caynabo ee xarunta gobolka saraar ayaa maanta booqday goobta uu ka socdo shirwaynaha TALO IYO TOOSIN ee beesha yoonis adaraxman (reer yoonis) ee degta gobolka saraar.

waftiga ayaa markii ay goobta gaadheen waxa si diiran u soo dhaweeyey salaadiintii iyo odayaashii halkaasi shirku uga socday, waxaanay waftigu goobta ka jeediyeen hadlo kooban oo bogaadin iyo dardaaran isgu jira,

Wasiiiirka wasaarada Arimaha gudaha somaliland cali maxamed warncade oo goobta ka hadley ayaa aad ugu bogaadiyey beeshan shirka muhiimka ah ee ay qabsadeen, waxaanu intaa ku daray in muhiimada shirka laga garanayo muuqaalka goobta oo aad loo qurxiyey si wayna looga shaqeeyey, wasiirka ayaa salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha beesha kula dardaarmay inuu shiirku noqdo mid sida beesha looga bartay ay ka soo baxaan qodobo wanaaga iyo nabadaba ka shaqeeya sidoo kale wasiir warancade ayaa dadweynihii shirka joogay iyo bulshada reer caynababa kula dardaarmay inay qaateen kaadhadhka diwaangalinta ee codbixiyayaasha iyo ka muwaadinkaba marka ay halkooda soo gaadho.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna goobta ka Hadley ayaa aad u bogaadiyey qaybaha kala duwan ee odayaasha beesha waxaanu ku amaanay sida midnimada leh ee ay shirka u qabsadeen iyo qaban qaabada wanaagsan ee ka muuqata shirka, wasiirka ayaa beesha shirka qabsanaysay ku sifeeyey inay yihiin mid facwayn ku leh gobolka iyo guud ahaan beelaha somaliland oo ku caana ka shaqaynta wanaaga iyo nabada,waxa kale oo uu intaa ku daray inay markasta beeshu dawladda kala shaqayso hurumarka iyo sugida amaanka, maxamuud xaashi cabdi wasiirka wasaarada madaxtooyada somaliland waxa kale oo uu beesha kula dardaarmay inay markasta ka shaqeeyaan adkaynta qarannimada, amaanka iyo hurumarinta gobolkaba.

Suldaanka guud ee beesha bariga burco suldaan c/laahi suldaan cali oo shirkan ka hadley, Ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyey hadalo dardaaran iyo duco isugu jira,ugu horayna waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan beesha adaraxman yoonis(reer yoonis) ee shirka qabsatay, suldaan c/laahi suldaan cali, ayaa beesha kula dardaarmay inay marwalba iskuduubnaadaan oo wanaaga iyo khayrka ka shaqeeyaan,waxaanu ugu duceeyey in illaahay shirkaa ka dhigo mid khayr iyo wanaag soo kordhiya oo wanaaga iyo nabadana ka shaqeeya, suldaanka ayaa u soo jeediyey guud ahaan shacabka somaliland, gaar ahaana shacabka gobolada bariga in ay xukuumada wax qabadkeeda sheegaan wixii ay khaladayna sheegaan sidoo kalana ay kala saaran wasiirada waxqabadka muujiyey iyo kuwa aan waxba qaban, oo intii waxqabad la timadaa lagu taageero oo lagu bogaadiyo kuwa hawshooda ku fashilmayna runta loo sheego oo layidhaa kaasi waxba muu qaban, taas ayaa idiin wanaagsan ayuu suldaanku yidhi. Halka aad kawada dhaliilaysaan masuulka wax qabtay iyo ka aan waxba qaban.

Ugu danbayntiina suldaanka guud ee beesha bariga burco suldaan c/laahi suldaan cali ayaa u duceeyey dawlada iyo somaliland iyo xukuumada haatan talada dalka haysa,waxaanu illaahay ka rajeeyey in xukuumadaha ka danbeeyana noqdaan kuwo khayr leh oo wanaaga iyo wadada saxda ah marwalba inagu hogaamiyaan.