Wax ka milicso Amiirkii Mu’miniinta Cumar Binu Khaddab RC Maalmo ka mida hab maamulkiisii:

Cumar binu kadaab  rc waxa lagu yaqaanay adaygiisa iyo xoog, …… hadaba dhankan kalena bal milicso.

Maalin maalmaha ka mida isaga oo bulshada gacantiisa ugu diyaarinaya cuntada, ayaa waxa uu arkay nin ku cunaya gacanta bidix wax, waxa uu ku yidhi: “adoonkii ilahayow midigtaada ku cun”, ninkii waxa uu ku jawaabay:”adoonkii Allow wey mashquushantahay”, laba jeer ayuu hadalkiisii hore ku celiyey cumar ninkiina isla jawaabtii uunbuu u celiyey.

Cumar ayaa weydiiyey:”maxaa mashquuliyey?” ninkii waxa uu ugu jawaabay:”waxa aan ka dhaawacmay maalintii dagaalkii Mu’ttah, sidaa la ajligeed ma dhaqaaqdo/shaqeyso”, Cumar rc inta uu la fadhiistay ayuu ooyey, waxana uu amray in la siiyo shaqaale u adeega, rati iyo cuno isaga oo ka codsanaya dambi dhaaf sababtoo ah in uu weydiiyey arin markii ogaaday aanu waxba ka qaban/badeli Karin.

Xeerkii Ilaalinta xuquuqda Xaaska {Haweeneyda} Muslimada ah:

Habeen habeenada ka mida ayaa isaga oo daaf-wareegiisii uu ugu kuurgali jirey xaalda raciyadiisa ku jira ayaa waxa uu maqlay gabadh ninkeedii ka maqanyhy oo gabay ku muujinaysa boholyowgeeda, markii uu shaqaalihiisii ka tohoydayna waxa loo sheegay in ninkeedu furinta dagaalka/Jihaadka ku maqanyahay, inta uu tow yidhi ayuu aaday gurigii inantiisa Xafsa rc, waxana uu weydiiyey intee gabadhu ka maarmi kartaa ninkeeda? Way xishootay madaxa ayeyna foorarisay, deedna waxa uu Cumar rc ku yidhi:”arinkani waa arin khuseeya raciyadayda aan ka masuulka ahay/bulshada aan xukumo, hadii aanu iyaga ku taxaluqina kuma su’aaleen”, waxa ay ku jawaabtay  Xafsa rc:”4 bilood”.

Waxa uu ku noqday gurigiisii waxana uu u qoray waraaqad taliyeyaasha iyo badhasaabada uu leeyahay:”Askarina ha ku haynina furinta 4 bilood wax ka badan”.

Waxa ay noqotay qanuun ama Xeer hirgala oo ah mid xifdiya xuquuqda xaaska (Haweenka) mid ka mida kuwooda ugu muhiimsan.

 

Xeerkii ilaalinta caruurta iyo naasnuujinta:

Fiid isaga oo ku jira gaaf wareegii habeenkii uu ugu kuur geli jirey xaalka umadiisa, ayaa waxa uu maqlay ilmo yar oo ooyaya oohin kaa nixinaysa, waa uu soo dhawaaday waxana uu weydiiyey hooyadii ilmaha “maxaa ilmaha ka oohinaya?” waxa ay tidhi: “Naaska ayaan ka jaray” markii uu dambe ayaa waxa uu ogaaday inanau ilmuhu gaadhin xiligii quudinta, sobobta ka dambeysa ee hooyadani ilmaha uga jartayna tahay in 100 Dirham oo ilmaha Cumar u qorey naas nuujinta ka dib si ay u helaan awgeed.

Aqalkiisa markii uu ku noqday weli waxa ka dhex qaylayey oohinta ilmihii yaraa oo dhankiisu ka qaban waayey jiifka. Waxa uu amar ku bixiyey in ilmo walba marka uu dhasho loo qoro lacag.

Waxa halkaa ka yagleelmay kana hirgalay xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta iyo in ay helaan naasnuujinta iyada oo wax ka maanicin.

 

Cumar rc waxa uu aad u jeclaa wlalkii Zayid Binu khaddab, Sayid waxa lagu dilay dagaaladii Ridadda,  malain maalmaha ka mid ah ayaa waxa cumar ay is arkeen ninkii wlalkii dilay oo Abu Maryam Al Xanafi la yidhaa oo soo islamay, waxa uu weydiiyey Cumar rc:”ma dishay Zayid Binu Khaddab?”,  waxa uu yidhi Abu Maryam: “Gacmahayga ayuu Alle ku karaameeyey ana gacmihiisa iguma hoojin ALle ” (macnaheedu noqonayo haa waan dilay oo shahaado iyo shahiidnimo ayuu helay, ana kuma dhiman gacantiisa oo gaal maadaama oo aan ahaa waan halaagmi lahaaye ALle wuu iga badbaadiyey).

Waxa uu Cumar weydiiyey:” imisa ayaa Muslimintu idinka dishay waagaas?” wuxuu Abu Maryam ku jwaabay:”wax ka badan 1400”, Cumar ayaa u celiyey: “hooge kuwaasi”, Abu maryan ayaa dhahay:” Alle ayaa ay mahadi u sugnaatay I badbaadshay iina soo celiyey diintii uu nabigiisa salalahu calyhi wasalam uga raalida noqday ISLAM” aad ayuu ugu Farxay Cumar rc hadalkiisii. Xaqiisii iyo xuquuqdiisiina kama mancin aargoosi iyo dulmina kuma falin.

 

Sidaas ayey Xukaamtii mu’miniintu u dhaqmi jireen, bulshada ugu kuur geli jireen adeegi jireena, cadaalad ugu dhaqi jireen iyo daryeel, xeerarkuna ku aasaasmi jireen kuna hirgeli jireen.

 

UMUDU WAA TII UUN, NOLOSHUNA WAA TII UUN …….. LKN CUMAR RC AYAAN JOOGIN MAANTA………

 

W/Q Mohammed Abu Suhayb

W/T: Sacad M. Omer (Sacad Makaawi)