Waxa dalka Masar lagu dilay 8 askari

Saraakiisha dalka Masar ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan siddeed askari oo boolis ah lagu dilay weerar mintidiin looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha islaamiyiinta ay ku qaadeen bar koontarool oo ku taala galbeedka dalkaasi.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegayaan in labo ka tirsan mintidiinta weerarka soo qaaday sidoo kale halkaasi lagu dilay.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Naqab oo ku yaala koonfur galbeed dalkaasi Masar.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. Mintidiin ka tirsan kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa waxa boqolaal askari ku dileen dalkaasi tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi, sanadkii 2013.

bandhige@gmail.com