Waxa iga ilmeysiisay Hooyo haysata shan carruura oo dhaameelka garan-waaga guraneysa, dadka inoo talinaya guryahooda waxa yaala……

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey “Sheekh Aadan-Siiro” ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay u gurmato dadka baahan ee Abaaruhu saameeyeen iyo kuwa kale ee ku dhibaateysan guddaha iyo hareeraha Hargeysa, isagoo sidoo kalena isbarbar-dhigay baahida ummadda haysata iyo nolosha hoggaamiyeyaasha Somaliland.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay mabaa’diida Islaamku siiyey qofka hoggaaminaya ummadda, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in hoggaamiyuhu isku hawlo raali-gelinta ummadda oo dhan isagoo ka leexanaya waxa uu xaqu yahay, maaddaama oo Islaamku uu aqlabiyadda u yaqaanno halka xaqu jiro.

Sheekha oo arrrimahaa faahfaahinaya, ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Qofka doonaya inuu ummad hoggaamiyaa waa in uu noqdo qof xaqa is-garab taaga, waar xaqa dad haku baranin, waayo? hadduu xaqu kaa gelo reer oo reerku leexdo, hadduu xaqu kaa gelo Gobol oo Gobolku leexdo, hadduu xaqu kaa gelo ummad dhan oo wada leexsan (waa dhibaato),  xaqu yaanu kaa gelin qof. Islaamku aqlabiyadda wuxuu u yaqaannaa xaqu halka uu jiro.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu sharraxay mabaa’diida Islaamku siiyey hoggaamiyaha waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Mabaa’diida Islaamku ina siiyey ee looga baahan yahay qofka doonaya in uu ummad hoggaamiyo.”

Waxaanu intaa ku daray, isagoo ku dabaqaya Xadiis ay Rasuulka ka soo warisay Caa’iisha ee ahaa:

“Caasha, ayaa Warqad u qortay Mucaawiye waxay tidhi Waxaan Rasuulka (CSW) ka maqlay Qofka Ilaahay  raali-geliya isagoo ka leexanaya masalo dadku isku wada raaceen oo qalad ah Iilaahay wuxuu kaga fillaadaa dadkaa hawshooda oo dhan, laakiin qofka is yidhaahdo dadka raali-geli oo dadka ku raaca masalo uu arkayo inay baadil tahay, In dadka la wada raali-geliyaa waa dhammaad aan marna la helaynin.”

Waxa kale oo Sheekhu intaas ku daray:

“Imaamu Shaaficina wuxuu yidhi, waxaan kugula talinayaa (Qofyahow) marka aad go’aan qaadaneyso yeel wixii badbaadinaya Diintaada iyo Adduunyadaada, bal Islaamka mabaa’didiisa eeg. Qofka Maanta jooga dunidaa kiishka wada sidata ee soo wada oodatey doona in uu wanaag ku wada raali-geliyo maxaad ka fileysaa?.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu ka hadlay boobka lagu hayo dhulka Danta Guud iyo culayska saaran Jaamacadda Hargeysa ee Dawladdu leedahay, Maaddaama oo aanay jirin Jaamacad kale oo Dawladdu leedahay, waxaanu yidhi:

“Yaa dhulka iibsanaya maanta, waa kii inoogu lacagta badnaa, waa kii inoogu aqoonta badnaa, yaa dhulka qaadanaya?. Maanta waxa Jaamacadaha taga in ka badan 80.000 oo arday, haddana Hargeysa oo ay maanta ku nool yihiin hal Milyan iyo 3 Boqol oo kun oo Qof  waxa Jaamacad (Dawladdu leedahay) u ah Dugsigii 31 Juley ee Dawladdii aynu la dagaalanay ee Siyaad Barre dugsi sare ahaan u dhistay, kii maanta lix kun oo arday iskugu tageen oo la leeyahay waa Jaamacadda Hargeysa, dadku ma dareensana, laakiin Jaamacaddaha kale oo dhan gaar baa loo leeyahay. Waar kuwa meesha jooga waxaanu leenahay carruurta wax ha soo gaadhaan, carruurta dambe wax ha soo gaadhaan.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka sheekeeyay baahida dalka ka jirta iyo sida qoysasku u soo ooteen, isagoo Tusaale u soo qaatay Hooyo dhibaateysan oo uu Jimcihii shalay la kulmay, taasi oo u sheegtay in ay haysato shan carruur ah isla-markaana u baahan tahay in la taageero, isagoo Sheekhu arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan la ilmeeyay Hooyo jilicsan oo maanta (Shalay) markaan Gureyga ka soo baxayey noo timid oo tidhi nool baan doonayaa, Hooyadaa haddaad aragto diifta iyo dhibaatada ka muuqata lafta iyo jiidhka ayaa isku dhigay ‘Subxaanallaah’. Dabadeed waxaanu waydiinay dhibka haysta, waxay tidhi shan carruur ah ayaan kaga imid Biyo-shiinaha oo aan ka soo lugeeyay, Odeyguna wuu iga shaqo la’yahay, waxay na tustay laba bacood oo ay tidhi waxaan ku urursanayaa dheemaalka geedka Garan-waaga, wixii aanu jeebabka ku haynay ayaanu iskugu darnay, waxaanuna ku nidhi Odeygaaga noogu yeedh aanu wareysanee (Si wax loogu qabto).”

Sidoo kale Sheekhu waxa uu isbar-bar dhigay xaflada waaweyn ee Hargeysa lagu qabto iyo xaalada Hooyaday shanta carruur ah dhashay ee uu la kulmay, waxaanu yidhi Sheekhu isagoo ka hadlaya arrintaas markale:

“Waa shan carruur ah iyo hooyadood oo ay soo ootey, laakiin maxaynu maanta Hargeysa kaga sheekaynaynaa, xaflad boqol kun oo dollar ah (ku baxeen), waxaynu ka sheekaynaa guryaha dadka inoo taliya oo shan, lix LandCruiser yaalaan. Waar kuwa maamulka haya waxaanu leenahay Ilaahay ka yaabo oo dadka ugu gurmada waxooda aad haysaan ama dibedd hala geeyo ama guddaha ha taalee.”

Xaalada abaaraha ka jira Somaliland ayaa waxay haatan cagta saareen xaalad aad u adag taasi oo u baahan gurmad dhammaystiran.

Baddanid dadweynaha Somaliland ayaa waxay Alle ka baryeen in uu abaaraha ka soo jebiyo.

bandhige@gmail.com