Waxa la soo bandhigay nashqad cusub oo bilaydh-lambarka baabuurta ah, waxa ka maqan tirooyinkii Carabiga ahaa

Waxaa maanta baraha bulshada si weyn loogu baahiyey nashqadda oo sida la tibaaxay beddeli doonta nashqaddii hore ee lambarka baabuurta Somaliland.

Nashqaddan cusub waxa ka muuqata in si la waaweyneeyey cabirkii tirooyinka iyo xarfaha ee bilaydh lambarka, sidoo kale waxa ka muuqata in xuruuf lagu buuxiyey intii bidixda ee banaanaan jirta taas oo foolxumo ahaan jirtay. Sidoo kale waxa ka muuqta in xarfo lagu garto loo kala sameeyey noocyada kala duwan ee baabuurta sida NG oo loogu talo galay baabuurta NGO-yada, PRAW oo loogu talo-galay baabuurta dadweynaha, UN oo loogu talo galay kuwa qaramada midoobay iyo GT oo loogu talo galay kuwa xukuumadda.

Midabadii ay kala lahaan jireen waxba iskama beddelin iyadoo bilaydh-lambarka dadweynuhu ahaan doono caddaan, ka dawladdu akhtar, ka NGO-yadu casaan ka Qaramada Midoobayna buluug.

Hase ahaatee waxa gebi ahaanba meeshii laga saaray lambarradii af-Carabiga ahaa, taas oo macnaheedu yahay in Somaliland ay markii koowaad taariikhda yeelan doonto bilaydh-lambarro laatiini sooca ah.

Bandhige@gmail.com