Waxa maanta Hargeysa ka qabsoomay shirk u diyaar garowga xuska 18 ee Gudoomiyayaasha Degmooyinka Hargaysa,madaxda Gudiyada nabadgalyada sagaalka Degmo,Ciidanka Booliska,badhasaabka Gobolka Marodi-Jeex

Shir muhiim ah oo ku Saabsan U Diyaar garawga Xuska 18 May, oo u dhexeeya Dhammaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Hargaysa,madaxda Gudiyada nabadgalyada sagaalka Degmo,Ciidanka Booliska,badhasaabka Gobolka M-Jeex. Ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargaysa.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Duqa Caasimadda Hargaysa,Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland,badhasaabka Gobolka M.Jeex,waxaana ay dhammaantood la dardaarmeen Gudiyada nabadgalyada sagaalka Degmo iyo Gudoomiyayaasha sagaalka Degmo in ay xil wayn iska saaraan u diyaar garawga 18 may.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qayb galay Gudida u diyaargarawga 18 may ee Dawladda Hoose ee Hargaysa oo iyaguna warbixin buuxda la wadaagay qaybaha kala duwan ee ka soo qayb galay shirkan.

bandhige@gmail.com