Waxa Maanta Hargeysa lagu daahfurka Is-bahaysiga Bulshada Rayidka ah ee SDG16+ Somaliland

 

Maalinta beri ah oo ay ku began tahay maalinta Caalamiga ah ee Nabadda aduunka, ayaa Is-bahaysi cusub oo ay samaysteen ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland lagu dhawaaqay, kaasoo dardar gelin doona fulinta Yoolka 16naad iyo kuwa la bahda ah oo loo yaqaano (SDG16+) oo ah helidda nabad, cadaalad iyo wada noolaansho, kuwaasoo ka mida hiigsiga Somaliland ee sannadka 2030-ka ee Yoolasha Horumar Waara.

Isbahaysiga Somaliland ee SDG16+ wuxuu ku hawlanyahay xoojinta wada shaqaynta Bulshada rayidka ah iyo Jilayaasha kale ee aan dawliga ahayn, waxaanu aqoonsanyahay muhiimadda ay u leedahay wadashaqayntu fulinta iyo ku guuleysiga hiigsiga 2030-ka. Is-bahaysigani wuxuu u furanyahay inay ku soo biiraan urur kasta oo aan dowli ahayn iyo shakhsiyaadka u taagan inay ka fuliyaan Somaliland arrimo la xidhiidha Yoolka 16naad iyo kuwa la bahda ah (SDG16+).

Marka la eego wada-tashiyadii ay xubnaha isbahaysigu la sameeyeen in ka badan 55 urur  oo lixda gobol ee Somaliland ka kala socda, 18kii biloodee ugu danbeeyey, waxaa la isla gartay mudnaanta iyo tallaabooyinka xilliga dhaw iyo xilliga dheer ee SDG16+ Somaliland. Wax qabad yadaasi waxay la jaan-qaadayaan qorshaha qaranka ee labaad (NDPII) iyo shaqooyinka ay ku howlanyihiin Dowlada, qaadhaan bixiyayaasha, iyo Ururada Bulshada rayidka.

Marka la eego qorshayaasha yaalla, is-bahaysigan Bulshada rayidka ahi wuxuu soo saarayaa warbixinta horumarka ay Somaliland ka samaysay SDG16+, taasoo lagu soo bandhigi doono shirka sare ee qaramada midoobay  (High level forum) ee July 2019 ka iyo shirarka kale caalamiga ah.

Is-bahaysigan Bulshada rayidka ah ee Somaliland wuxuu ka koobanyahay, xarunta falanqaynta Siyaasadda (CPA), Xarunta  Xuquuqal Insaanka Somaliland (HRC), Haayadda caalamiga ah ee Saferworld, Dalladaha SONSAF, NAFIS Network iyo SONYO

Wixii xog dheeraada ee is-bahaysiga ku saabsan Fadlan kala xidhiidh: Maria Abdilahi Gahair – +252 63 4777044

bandhige@gmail.com