Waxa maanta ka qabsoomay hoolka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka shir lagaga hadlayey sidii dardar galin lahaa isla markaana loo xalin lahaa Khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhexeeya iskaashatada gaadiidka ee Tawfiiq iyo ganacsatada soo dajisa alaabada kala duwan

Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay 7/5/2023 ka qabsoomay hoolka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka shir uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka mudane Abdirasaq Mahamed Ibraahim kaas oo lagaga hadlayey sidii dardar galin lahaa isla markaana loo xalin lahaa Khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhexeeya iskaashatada gaadiidka ee Tawfiiq iyo ganacsatada soo dajisa alaabada kala duwan.

Waxa shirka ka soo qaybgalay badhasaabka gobolka Saaxil mudane Ahmed Mahamed Xaashi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Mudane Muuse Jamac Mahamed iyo Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada Mudane Abdikariim Bashe Maxamed. Sidoo kale waxa Ka soo qayb galay maamulka iyo qaybo ka mida iskaaahatada Tawfiiq iyo Guddiga Ganacsatada Somaliland.

Shirkan oo muddo badan qaatay isla markaana dhinacyadu tallooyinka iyo caqabadaha jiray ay si fiican u faahfaahiyeen, waxa lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iskaaahatada Tawfiiq iyo ganacsatada isla markaana go’aamo wax ku oola looga soo saari lahaa waxyaabaha keenay caqabadaha iyo khilaafka.

bandhige@gmail.com