Waxa maanta Magaalada Gabiley lagu Aasay Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar

 

Waxaan Magaalada Gabiley lagu aasay Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo 12-ka bisha ku geeriyooday waddanka Turkiga.

Waxa aaska kasoo qayb galay madax tiro badan oo dhinaca Somaliland ka socday, kuwaas oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici, dhinaca Itoobiyana waxa ka ka socday wafti Wasiiro iyo ugaasyo ka kooban.

Sidoo kale waxa Aaska ka soo qayb-galay Culimo, ganacsato dhakhaatiir, Salaadiin, iyo dad-weyne kale oo aad u tiro badan, kuwaas oo ka kala yimid gobolada Somaliland iyo dalalka aynu jaarka nahay.

Ugu dambayntii goobtii aasku ka dhacay waxa lagu Caleemo Saaray in uu noqdo Suldaanka Guud ee beelaha Maxamed Case in uu noqday wiilka uu Marxuunku dhalay, Suldaan Samatar Suldaan Ibraahim Jaamac.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka Aaska: 

bandhige@gmail.com