Masar waxa ka socda dagaal dhimasho badan sababay, waxa ka-qayb-qaadanaya diyaarado dagaal

Hal maalin kadib markii uu Cabdifataax Sisi ku hanjabay in uu cagta marinayo kooxaha argagixisada ah shuruuc cusubna u samaynay, waxa Masar ka socda dagaal culus oo aan la filayn.

Ku dhawaad 70 ka tirsan dagaalyahannada la midoobay ISIS ayaa hal mar weeraro kala duwan duwan ku ekeeyey dhawr goobood ay ku jiraan saldhigyo boolis iyo baro kaantarool.

Ilaa hadda waxay qudha ka jareen ugu yaraan 35 qof iyadoo uu weerarku weli socdo. Gurmadkii soo gaadhi lahaana waxa ay u aaseen miinooyin. Wararku waxa ay sheegayaa in 11 ka mid ah dadka dhintay ay ka mid yihiin ciidamada Masaarida.

Dhanka kale ugu yaraan 22 ka mid ah dagaalyahannada soo duulay ayaa lagu dilay weerarradan, iyadoo la burburiyeyna saddex gaadhi ka mid ah gaadiidkii ay wateen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa mar dhawayd telefishanka caanka ah ee Aljazeera u sheegay inay soo gaadheen ugu yaraan maydadka 35 qof magaalada El-Arish.

Goobjoogeyaal ka ag dhaw goota dagaalka ayaa sheegay in ay arkayaan noocyo kala duwan oo diyaaradaha dagaalka ee Masar ah oo ka qayb-qaadanaya dagaalka.

Warbaahinta maxalliga ah ee Masar ayaa saadaalinaysa in tirada dhimashadu ay aad u sii kordhi doonta. Wararka hadda laga helayo goobta dagaalku ka socdo ayaa aad u kooban.

Masar oo ahaan jirtay dal aad u nabdoon caanna ku ahayd dalxiiseyaal dunida oo dhan uga yimaad ayaa sannadihii u dambeeyey la daalaa-dhacayso duruufo siyaasadeed iyo isbeddelo qaarkood lama filaan ahaayeen.

Waxa haatan xabsiga ku jira oo dil ku xukuman Madaxweynihii ugu horreeyey ee codka shacabka lagu doorto iyo kumanaan ka tirsan hoggaamiyeyaasha iyo xubnaha ururka Al-Akhwaan Al-Muslimiin.

Dadka indha-indheeya siyaasadda masar ayaa tibaaxa ilaa iyo inta taageerayaasha ururkan oo xididdo ku leh Masar ay caddaalad darro tirsanayaan in ay adkaanayso in nabad dhammaystiran la helo.

Bandhige kala socda hadba wixii ka soo kordha weerarkan. sii kordhi doonto tirade haatan, la hayo, sababtoo aha waxa aad u adag si wararka lagu helayo wakhti xaadirkan.

Bandhige@gmail.com