Waxaa Tababar Loo Soo Gabogabeeyay 50 Dhalinyaro Ah Oo Fursad Maalgalin Ah Oo Ganacsi Loogu Abuuraayo Ka Helay Daladda NAAGAAD Oo Kaashanaysa Ha’adda UNICEF

Maalintii shalay waxa la soo gabo gabeeyey barnaamij muddo afar cisho ah ka socday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, barnaamijkaasi oo ku sabsanaa maalgalin la siinayo 50 dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, maalgalintaasi oo shaqo abuur loogu samaynayo.

Munaasibada lagu soo xidhayey barnaamijka waxa ka qayb galay masuuliyiinta dallada haweenka ee NAGAAD iyo  masuuliyiin ka socday Hay’adda UNICEF iyo madax ka socotay shirkadaha dhinaca maalgalinta iyo dhalinyarada la maalgalinayo.

Agaasimaha fulinta ee dallada haweenka ee NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed oo munaasibadaasi ka hadashay, waxaanay ka warantay maaligalinta loo samaynayo dhalinyarada ku guulaysatay barnaamijkan maalgalineed.

Agaasimaha ayaa khudbada ay madasha ka jeedisay waxa ay ku tidhi “Dhalinyarada waxa aan leeyahay dhammaantiin waad wada guulaysateen intiinii halkaasi ku soo bandhigtay aniga midba mid ayuu igala sii qurux badnaa marba ka iigu sii dambeeya ayaa kii hore igala fiicnaa, laakiin waxa aynu ka eegaynay oo muhiimada koowaad la saarayey saameynta bulsho ee uu samaynayo, markaa sadexdana waxa ay noqdeen kuwii marka laga eego qoladii tababarka idiin samaynaysay ay ka dhigeen sida ay saameyn bulsho u samaynayeen, intaasi ayuunbaanay kuwani idiinkaga horeeyeen, laakiin dhammaantiin waad wada guulaysateen waana aynu guulaysanay sida ay xarumahaasi dhaqaale idiin balan qaadeena anaguna xafiisyadooda waanu kula soo kulanay waa hawl idiin soconaysa waa wax bilaabmay oo waliba kuwa idinka dambeeyana aan rajaynayno inaad tusaale u sii tihiin oo ay idin soo hiigsan doonaan oo maanta dad badan ayaa warbaahinta idinka daawan doona, arki doonana waxa quruxbadan ee aad soo bandhigteen, lacagta, fikirka iyo wax walibana gacanteena ayuu ku jiraa, kuwii beeraha ayeynu arkaynay, kuwii wax soo saarka gudaha ayeynu arkaynay oo dhammaan mid la reebo maa ay lahayn fikradihii halkaasi lagu soo bandhigay, laakiin waa ay isdaba socdaan oo ha niyad jabina, waxaananu doonaynaa arinkaasi sida aynu u wada bilawnay inaynu u wada wadno inaga ayaana isku soo hadhayna Insha Allah, guul ayaanan idiin rajaynayaa dhammaantiin”.

Madaxa Hay’adda UNICEF ay ku leedahay magaalada Hargeysa Yaxye Balima oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey maalgalintan iyo hal-abuurka ay la yimaadeen dhalinyaradu, sidoo kale Hay’adda DOT oo ah hay’adda tababaraysay dhalinyarada ayaa masuul u hadlay soo dhaweeyey barnaamijkan.

Xuseen Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta Premier Bank iyo Hoodo Bacaluul oo ka tirsan shirkadda Dahabshiil Group  oo iyagna halkaasi ka hadlay ayaa ka warameen doorka ay ku leeyihiin maalgalinaha la siiyo dhalinyarada.

“Waxa aanu furunahay oo shaqadayadu tahay kobcinta iyo maalgalinta ganacsatada yar yar” ayey tidhi Hoodo Bacaluul oo ka socotay shirkada Dahabshiil Group.

Xuseen Xasan Xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Premier Bank oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Sanad kasta waxaanu samaynaa inaanu tartan galino hal-abuurada dalka, gaar ahaan dhalinyarta jaamacadaha, taasi oo aanu u maalgalino firkadaha ay la yimaadaan taasi oo aanu ku tartansiino kooxdii ku guulaysana waxaanu siinaa lacag aan dulsaar lahayn, iskana soo celin karo”.