Waxaanu Doonaynaa in aanu Samayno Siyaasaddii Milixda JSL Loogu Gudbin Lahaa Wadamada….”

Qore: Khadar M.Xaahi

Toqoshi (Dawan) Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamaca oo kormeer shaqo ku tagay gobolka Salel ayaa soo indho indheeyay deegaanka Toqoshi ee caanka ku ah wax-soo-saarka Milixda, waxaanu kulan la qaatay shikadaha ku hawlan soo saarista Milixda.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha oo ay wehiliyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda iyo maamulka gobolka Salel ayaa soo kormeeray goobo badan oo ka ka mid ah gobolka Salel.

Wasiirka ayaa sheegay isaga oo la hadlay bulshada ku tacabta soo-saarista Milixda ee deegaanka Toqoshi inay ku hawlan yihiin inay sameeyaan siyaasadii Milixda Somaliland ee loogu gudbin lahaa wadama jaarka iyo dunida inteeda kale ee aan haysan Milixda si suuq loogu helo Milixda ay ku tabcayaan muwaadiniinta reer Somaliland waxaanu yidhi

“ Waxa aanu u soconaa ee aanu halkan u maraynaa sidii aanu u horumari lahayn, sidoo kale waxa aanu halkan u nimi in aanu idhahayaga ku sii aragno horumarka iyo shaqada ka socota halkan si aanu qaybtayada uga qaadano.

Waxaanu doonaynaa in aanu samayno siyaasadii Milixda Jamhuuriyadda Somaliland ka soo baxda loogu gudbin lahaa wadamada jaarkeena iyo wadamada dunida ee aan haysanin Milixda ee doonaya inay dalal kale ka soo dhoofsadaan, taasi oo aanu u marayno in aanu fududayno maalgashadayaasha dalalkaasi inay si sahlan Somaliland u yimaadaan, shuruucda ay ku imanayaan loo fudaydiyo, maalgashiga la keeno, wixii ay Somaliland uga baahan yihiin ay wasaaradda Kalluumaysigu u damaanad qaado.”

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa bogaadiyay sida kartida leh ee dadka ku nool Toqoshi ay ula soo baxaan kheyraadka dalkood oo aanay door bidin inay daawadaan balse ay ku badeleen inay wax la soo baxaan.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com