Waxaanu soo Dhaweynaynaa Heshiis Kasta oo labada Dal (Somaliland iyo Itoobiya) ay Faa’iido ugu Jirto”

Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac

 

Qore: Cumar M. Faarax

Hargeysa (Dawan)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa soo dhaweeyay heshiiskii is-faham ee ay dhawaan kala saxeexdeen dawladah Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Sidaasna waxa daabacay wargeyska The Ethiopian Herald oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac ayaa sheegay in mowqifka xisbigoodu yahay inay soo dhaweynayaan heshiis kasta oo kor u qaadaya iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in xisbiga WADDANI uu ku niyadsan yahay cilaaqaadka ay Itoobiya la leedahay dawladda Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta WADDANI waxa kale oo uu ku dooday haddii xisbigoodu ku guulaysto doorashada madaxtinimada ay kor u sii qaadi doonaan cilaaqaadka iyo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya.

Maxamuud Aadan Jaamac waxa uu carrabka ku dhuftay inuu dhiirigelinayo dawladda Itoobiya inay galaangal ku yeellato badda Somaliland, isla markaana la dhiso kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxaanu tilmaamay in soohdin nabdoon iyo xasiloonida xudduuduhu yihiin masaalixda ugu wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

“Waxaanu soo dhaweynaynaa heshiis kasta oo labada dalba ay si wadajir ah faa’iido ugu jirto,” ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, waxaanu tilmaamay in Somaliland ay u dhoofin karto Itoobiya kalluunka, halka Itoobiyana ay bad ka heli karto Somaliland.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan