“Waxan is casilay markii aan badbaadin kari waayey UCID Jamaal-na aan isku aragti noqon waynay” Cabdirashiid Xasan-Mataan

Murashaxii madaxweyne-xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo maanta barqadii iska xasilay murashaxnimadii xisbiga UCID ayaa shir-jaraa’id ku qabtay Maansoor Huteel.

Cabdirashiid Xasan-Mataan waxa uu sheegay in uu goostay in aanu xisbiga sii joogin kadib markii uu sheed ka arkay in afduubkii Kulmiye ka dhex dhacay mid la mid ahi halkan ka soo socdo iyada oo loo adeegsanayo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Cabdirashiid wuxu sheegay in is-casilaaddiisu aanay ka horjoogsanayn hankii uu lahaa iyo in uu u shaqeeyo umadda.

Hoos ka daawo muuqaal uu shirka Jaraa’id ka duubay weriye Cabdiraxmaan Fantastic oo ka tirsan Bulsho TV.