Waxay shalay shaqadii bilowday Dekedda Maydh

 

Dekedda  Maydh ayay  shalay  ku soo xidhatay doontii ugu horreysay oo sidda badeeco bagaash ah  ganacsatada dalku soo iibsadeen.

Qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha shalay ayaa lagu sheegay in Doonta bagaashka ee ku soo xidhatay Dekeda Maydh tahay horumar u soo kordhaya Gobolka Sanaag iyo guud ahaan gobolada bari oo dhan.

Dekedda Maydh ayaa kordhin doonta wax soosaarka dalka iyo ka faa’iidaysiga kalluunkeena, ayaa noqondoonta deked Kalluumaysi oo ay dhammaan reer Somaliland ka faaiidaysan doonaan, isla markaana wax ka badali doontaa nidaamkii dhaqan dhaqaale ee Gobolka Sanaag, iyada oo fududayndoonta isu socodka iyo xidhiidhinta baddeena dheer ee Berbera ilaa Sanaag waxa kale oo ay waxbadan ka bedeli doontaa gobolada bariga oo ay ku fogtahay dekedda magaalada Berbera.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda, ayaa dhexda u xidhatay dhismaha dekeddaasi, oo la bilaabay 11 August, 2020, isla markaana xadhiga laga jaray 26 December 2022 waxana arrintaasi uu si wayn ugu suntan Wasiirka Wasaaraddaasi Mudane Siciid Sulub Maxamed.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

bandhige@gmail.com