Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Doorka Wasiir Maxamed Biixi Yoonis: War-saxaafadeed

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa xalay soo saartay war-saxaafadeed lagu soo bandhigayo wixii uu qabtay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland intii uu xilka hayey.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan hoose:

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo kaashanaya waaya aragnimada dheer iyo khibradiisa diblomaasiyadeed wuxu horumariyay doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ee gudashada waajibaadka ay qaranka u xilsaarantahay iyo xidhiidhka dibadda guud ahaan taniyo markii uu Madaxweynaha JSL xilkaas u magacaabay 25kii June 2013.

Wasiirku isagoo kaashanaya khibraddiisa iyo waaya aragnimada uu ka dhaxlay shaqooyinkuu hore uga soo qabtay Qaramada Midoobay, wadamada iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca xidhiidhka  caalamiga ah, wuxu suurtageliyay inuu xoojiyo xidhiidhadii jiray, abuurana/unko xidhiidho cusub oo faaiido u leh dalka dhinaca siyaasadda, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo iskaashiga guud iyo inuu gaadhsiiyo meeqaamka Somaliland meel heer caalami ah si loo gaadho aqoonsi iyo ictiraaf buuxa.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu ugu horayn bilaabay inuu ku sameeyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dib u habayn dhamaystiran (Functional Review and Complete Reform) oo xagga shaqaalaha, adeeegga maamulka, siyaasadda, isgaadhsiinta iyo nidaamka guud ee shaqada Wasaaradda oo xarunta iyo Wakiilladaba. Wasiirku wuxu horumariyay adeegyada Wasaaraddu qabato ee xagga socdaalka, tasdiiqaynta iwm, waxanu waxka bedel iyo dib u habayn  ku sameeyay qaab dhismeedka Wasaaradda si loo tayeeyo heerka hawlaheeda shaqo taasoo ay qayb ka ahayd in Wasaaraddu qaadatay shaqaale aqoon sare iyo waaya aragnimo u leh xirfado kala duwan kuwaasoo La-taliyayaal uga ah  Wasaaradda dhinacyada sharciga, siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, iskaashiga iyo isgaadhsiinta.

Waxa xusid mudan in Wasiirku dhiirrigeliyay in shaqaale badan oo  Xarunta joogaa helaan tababaro aqoon korodhsi iyo waxbarasho, waxana ka mid ah saraakiil ku qaatay tababar la xidhiidha xirfadda diblomaasiyadda dalka Turkey-ga sannadkan. Wasiirku wuxu sannadkii 1aad ee xilkiisa bilaabay inuu xog ururin iyo qiimayn buuxda ku sameeyo dhammaan Xafiisyada Dibadda iyo Hawlqabadka Wakiillada Somaliland, waxanu dardargeliyay hannaanka wada shaqayneed ee Xarunta iyo Wasaaradda iyo qaabka ay u shaqeeyaan Danjirayaashu iyadoo sidoo kale ay Wasaaraddu u samaysay Wakiillada habraac shaqo ka caawiya qeexidda waajibaadkooda shaqo  iyo wada shaqayntooda Wasaaradda.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis  wuxu sannadkii 1aad iyo illaa sannadkii 2aad ee xilkiisa awoodda saaray in Wasaaraddu samayso qabyo qoraalka Hagaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Istaraatiijiyadda Ictiraaf Raadinta oo u noqda Somaliland raad la raaco iyo siyaasad dhaxalgal ah. Waxanu sidaa taariikhda ku galayaa Wasiirkii 1aad ee soo mara Wasaaradda ee ka hawlgala dejinta iyo samaynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda Qaranka iyo Istaraatiijiyadda Ictiraaf Raadinta JSL (Foreign Policy/Public Diplomacy Strategies & Recognition Seeking Strategies).

Doorka Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ee hoggaaminta Wasaaradda Arrimaha Dibaddu wuxu kor u qaaday xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashiga Somaliland ee wadamada dibadda.

Bishii June 2015, Wasiirku wuxu  ka qaybgalay Shirkii 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka ee Afrika oo ka dhacay Cape Town, South Africa oo isagoo metelaya Jamhuuriyadda Somaliland uu ku soo bandhigay qadiyadda Somaliland madal ay isugu yimaadeen hoggaamiyayaasha wadamo badani oo uu ku jiray Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo masuuliyiin kale oo ka socday dalkaas, sidoo kale madaxda sharaaig waaweyn iyo maalgashadayaal caalami ah. Wasiirku wuxu uga faaiidaystay munaasibadaas inuu kaga hadlo caqabadaha badan ee ka jiira Somaliland ay ka midtahay ama ugu horrayso heerka sarreeya ee shaqo la’aanta ee aad u sameeyay dhalinyarada, dabaqadaha nolosha bulshada ee kala fogaanaya iyo siyaabaha kala duwan ee wax looga qaban karo iyadoo loo marayo horumarinta xagga shuruucda iyo dhiirrigelinta maalgashiga dibadda.

Wasiirku wuxu si faahfaahsan ugu jeediyay madaxdii shirka isugu timi waxa u qabsoomay Somaliland dhinaca horumarka ay ka midtahay nabadgelyada iyo xasiloonida iyo sidoo kale khayraadka dihin iyo fursadaha maalgashi ee ay ka faaiidaysan karaan maalgashadayaasha cusubi. Ka qaybgalka Wasiirka ee Shirkaasi wuxu ahmiyad weyn u yeeshay xidhiidhka Somaliland iyo dalka South Africa ee xagga saaxiibtinimada iyo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee labada wadan wadaagi karaan. Wasiirku wuxu madal noocan ah kaga qaybgalay dalka Nigeria sannadkii 2014 shirkaasoo uu hoggaamiyayaasha Afrika u gudbiyay dhambaal garnaqsi ah oo uu kaga hadlayo xaqiiqada qadiyadda madaxbanaanida JSL iyo sida Ururka Afrika u hagraday inay aqoonsadaan.

Wasiir Maxamed Yoonis wuxu ka shaqeeyay abaabulkii iyo isku dubba-ridkii Shirkii Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo Dawladda Ingiriisku iska kaashadeen ee lagu qabtay London 14-kii October 2014 oo ahaa shirkii 1aad ee noociisa ah ee dawladda Ingiriisku martigeliso, una qabato Somaliland kaasoo u ahaa Somaliland fursad qaali ah oo looga faaiidaystay in si heer caalami ah loo soo bandhigo khayraadka iyo fursadaha maalgashi iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland.

Waxa ka mid ah dadaalladii ugu waaweynaa ee xagga ololaha ictiraaf raadinta ee uu horseeday Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Shirkii Ictiraaf Raadinta Somaliland ee ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Yurub bishii January 2015 oo Wasiirka iyo wefti ay ku weheliyeen Dr. Sacad Cali Shire, Dr. Edna Aden iyo sidoo kale Danjiraha JSL u fadhiya UK, Cali Aden Cawaale oo ay isna weheliyaan qaarka mid ah saaxibadda Somaliland ee Baarlaaanka Yurub iyo Danjiraha Somaliland u jooga Brussels Danjire Dacarl; ku tageen Brussels. Wasiirka iyo weftigiisu waxay la kulmeen xubnaha baarlamaanka Yurub iyo madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Belgium iyo warbaahinta waaweyn ee Yurub. Waxanu ahaa fursad muhiim ah oo looga faaiidaystay in lagu soo bandhigo horumarka ka jira Somaliland iyo waxa u qabsoomay 24 sanndood, qadiyadda madaxbannaanida iyo siday ugu qalinto aqoonsi caalami ah.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu ka qaybgalay Shir Sannadeedkii  Baanka Horumarinta Afrika oo ku beegmay sannadguuradii 50aad iyo doorashadii guddoomiyaha cusub ee bangigaas oo bishii May  2015 lagu qabtay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast. Wasiirku wuxu munaasibadda kula kulmay masuuliyiin sare ay ku jireen hoggaamiyayaal Afrikaan ahi. Waxa kale oo uu Wasiirku ku guulaystay inuu uga soo hooyo Somaliland deeq lacageed malaayiin doolllaar ah oo Baanka Horumarinta Afrika ugu deeqay Somaliland dhinaca  mashaariicda biyaha, tamarta iyo kaabayaasha.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu ka hawlgalay sidii wax looga qaban lahaa saamaynta taban ee qaxoontiga tirada badan ee kaga soo qulqulaya Somaliland dhinaca dalka colaadda sokeeye ku habsatay ee Yemen ku yeelanayaan Somaliland. Arrintan awgeed, wuxu Wasiirku ku tegay safar dalka Switzerland oo uu kula kulmay  masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR xarunteeda Geneva, kana wada hadleen dhibaatada iyo culayska Somaliland ka soo fuulaya qaxoontiga badan ee reer Yemen. Waxa uga suurtagashay Wasiirka inuu halkaa uga soo kasbado Somaliland taageero dhaqaale doora oo ku aadan arrinta qaxoontiga.

Wasiir Maxamed Biixi Biixi Yoonis wuxu aad uga shaqeeyay sii xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo wadamada gobolka. Waxa ka mid ah doorka Wasiirka iyo Wasaaraddiisu ka gaysatay xidhiidhka wadamada gobolka imaanshaha weftigii ugu cuslaa ee  dawladda aan jaarka nahay ee Ethiopia uga yimaada Somaliland bishii November 2014 oo ay ku jireen Wasiirada Maalliyada & Horumarinta Dhaqaalaha iyo Gaadiidka. Imaanshaha weftigaas iyo safaro kala duwan oo Wasiirku ku tegay dalka aan jaarka iyo saaxiibada nahay ee Ethiopia waxay door weyn ka qaateen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga guud ee labada dal oo gaar ahaan wakhtigaas lagu beegay heshiiska Iskaashiga Ganacsiga & Kaabayaasha labada wadan kala saxeexdeen.

Hoggaaminta Siyaasadda Kharaajiga ee Wasiirku waxay albaabka u furtay in dalka Somaliland markii u horraysay ka qaybgalo Carwada Ganacsiga Caalamiga ah oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia. Wasiirku wuxu  kaalin weyn ka ciyaaray wada xaajoodka arrimaha ganacsiga ee Somaliland iyo Ethiopia oo ay qodobada waaweyn ka  mid ahaayeen Isticmaalka Ethiopia ee Dekedda Berbera, Dhimista iyo waxka qabashada caqabadaha xagga ganacsiga si loogu fududeeyo in ganacsatada Somaliland u gaadhaan suuqyada Ethiopia iyo qodobka ku saabsan Tamarta laydhka jaban ee Ethiopia oo Somaliland la soo gaadhsiiyo. Waxa kale oo xusid mudan in Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ka shaqeeyay in Dawladda Ethiopia u fidiso tiradii ugu badnay ee deeqaha waxbarashada heerka jaamacadeed marka loo eego wakhtiyadii Wasiiradii ka horreeyay joogeen.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu aad uga shaqeeyay xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah (Bilateral relations) ee Somaliland la leedahay wadamo badan taasoo uu u maray kulamo  rasmi ah ama toos ah iyo xidhiidho dadbanba oo Wasiirku la yeeshay masuuliyiint sare oo ka tirsan dawlado ay ka midyihiin Kenya, Ethiopia, Turkey, Egypt, UAE, Norway, Belgium, Ireland, UK, Taiwan.

Waxa ka mid ah doorka waxtarka leh ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu ka soo qaatay horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo kor u qaadida wacyiga dunida ee maqalka iyo waxka ogaanshaha meeqaamka,  maqaamka, horumarka, nabadgelyada, khayraadka dihin, taariikhda Somaliland, qadiyadda madaxbannaanida iyo xaqiiqada dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland si heer caalami ah; inuu siiyay waraysiyo  qaarka mid ah laamaha hoggaamiya warbaahinta dunida ee kala duwan sida CNBC Africa, NRK Norway, Sky News, CNN, KTN Kenya, and the Guardian. Waxay ka turjumaysaa tani sida daacadnimada iyo wadaniyaddu ku dheehantahay ee ay uga go’antahay inuu u hagar baxo qaranka JSL ee uu xilka u hayo, aanu nasan ama dareemin daal ee u dadaalo danaha dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland si loo gaadho himilada qaran ee aqoonsi caalami ah iyo ictiraafka Somaliland.

Waxa kale oo ka mid ah waxqabadka in la sheego mudan ee Wasiirku masuulka ka yahay in Wasaaraddu alifto qorshe siyaasadeed oo lagu dhiirrigeliyo kaalinta jaalliyadaha Somaliland ka qaadanayaan dadaalka ictiraaf raadinta dalka iyo sidoo kale in Somaliland kasbato saaxiibbo badan oo ay ku dhex yeelato Xisbiyada iyo Baarlaaanka Yurub kuwaasoo ku biiriya dadka reer Somaliland codkooda si loo helo aqoonsi caalami ah. Wuxu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo guud ahaan bulshada Somaliland xishmad iyo sharaf weyn u hayaan saaxiibada ay ku leedahay Baarlamaanka Yurub ee xisbiyada Ingiriiska iyo wadamo kaleba.

Waxqabadka hagar la’aanta ah ee Wasiirku muujiyay mudada gaaban ee uu xilkan hayay ayaa ka markhaati kacaya kartida, aqoonta iyo waaya aragnimada uu u leeyahay inuu dalka waxbadan u qabto, ka midha dhaliyo higsiga Somaliland, gaadhsiiyo himilada qaran ee aqoonsi caalami ah.

Waxqabadka iyo horumarka siyaasadda arrimaha dibadda JSL  ee ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ee doorka uu gadh wadeenka ka yahay Wasiir Maxamed Biixi Yoonis maaha wax la iska indha tiri karo  ee waa mid bogaadin ka mudan bulshada Somaliland oo dhan.

Waxay dadka qaar aan xog ogaal u ahayn Wasaaradda iyo Waxqabadka Wasiirku ku dhaleeceeyaan Wasiirka in safaradiisa dibaddu badanyihiin laakiin Wasiir Kharaaji ahaan waajibaadka iyo xilka masuuliyadda loo igmaday ayaa ah inuu ka shaqeeyo sidii loo abuuro/unki lahaa xidhiidho adag oo faaiido u leh danaha dalka iyo dadka Somaliland taasina maaha mid ku imanaysa in la iska fadhiyo xafiiska iyo Hargeysa dhexdeeda (Habar faddhida legdini wax uga fudud).

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu leeyahay waxbarasho aad u heer sarraysa oo uu ku qaatay jaamacado kala duwan, waxana ka mid ah  inuu ku qaatay Cilmiga Maamulka Bulshada (Masters) Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka iyo  Cilmiga Siyaasadda oo uu ku bartay Jaaacadda Miami ee isla dalka Maraykanka (Bacelor’s degree). Sidoo kale, wuxu ka bartay xirfadda Xallinta Khilaafaadka Machadka Xallinta Khilaafaadka ee dalka Canada iyo tababaro macalinimada khuseeya oo uu ku qaatay Kulliyaddii Tababarka Macalimiinta ee Hargeysa iyo Kulliyadda Gohrde ee dalka Germany.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waa masuul sumcad ku leh dalka, waa shakhsi leh  dadnimo wanaagsan oo aan dadka iska waynayn, aqoonyahan diblomaasi ah oo khibraddii uu ka dhaxlay waaya aragnimo dheer iyo wakhti shaqooyin adag oo heer caalami ah maanta ku maalgelinaya dalkiisa oo uga faaiidaynaynaya inta uu noolyahay.

Waa masuul innaga mudan ixtiraam iyo taageeradeenna joogtada ah ee dadaalkiisa ku wajahan waxqabadka dalka maanta iyo ka mustaqbalkaba.

Allaa Mahad Leh

Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

info@slforeign.com

www.slforeign.com

Hargeisa, Republic of Somaliland

 23rd Oct, 2015