Faallo: waxyaabahan la joojinayo ee aan beddelkooda la hayn

Waxa diyaariyey Axmed Cumar Xuseen “Ceelaabe”

Lix bilood iyo badh ayaa laga joogaa markii Madaxweynuhu soo saaray go’aanka joojinta isticmaalka iyo soo dajinta bacaha. Waxaana go’aankan soo dhaweyey badi bulshada ku dhaqan Somaliland taas oo ay u arkayeen in madaxweynuhu maalintaa soo saray go’aan inta badan wax ka taraya ilaalinta deegaanka, taas oo dad badan og yihiin in bacahu ku hayaan khasare joogta ah deegaanka iyo nadaafadda.

Haddaba wuxuu madaxweynuhu siiyay wakhti fiican kii soo saarayey bacaha, kii soo dajinayay iyo kii iibinayeyba in uu kaga fa’iidaysto muddo lix bilood ah, laakin kamuu fikirin wixii lagu badali lahaa bacaha.

Sida lawada ogyahay khasaaraha iyo dhibta ay ku hayaan deegaanka oo qof walbaana waa uu ka dharagsan yahay, taas oo marka dhinaca kale laga eego bacahu yahay waxyaabahan ugu isticmaalka badan ee ay bulshadu inta badan isticmaasho si ay ugu fushato howlaheega gaarka ah.

Hadaba go’aanka madaxweynuhu muu noqon mid ka fikiray waxyaabo badan, kuna darsoo way badan tahay in waxyaabo aan badalkooda la hayn laga soo saaro go’aano, lana arko isagoo go’aankaasi fuliwaayey, hadaba waxaa iswaydiin mudan sababta keentay in aan laga fikirin badalka shayga ee laga fikiro uun joojinta shaygaas.

Dhinaca kale waxaa jira go’aanka joojinta dhuxusha oo la soo saaray muddo ka hor hadana kuba dhow in uu go’aankaasi noqdo mid laga dul talaabsaday, ka dib markii la mamnuucay isticmaalka dhuxusha iyadoon la hayn badalkeedii oo saamayn kuwada yeelan kara dhammaan bulshada inteeda badan.

Go’aankan wuxuu aaha joojinta dhuxusha iyadoo looga dhigay badalkeeda isticmaalka gaaska, kaas oo saamayn ku yeelanayso bulshada in yar oo ka mid ah, sababta uu ugu yeelano bulshada Somaliland ma wada tahli karto isticmalka gaaska, sidan ogsoonahay bulshada Somaliland intooda badan dhaqaale ahaan ma wanaagsana.

Gaasta waxa kaliya ee isticmaali kara uun dad tiro yar oo awooda soo iibsashada gaaska iyo wixii lagu isticmaalayey. Hadaba mararka qaar ayey niyadu ku odhanaysaa malaha dawladdu waxay soo saartaa go’aano aan la ogayn maxsuulka ka soo bixi kara iyo saamaynta uu ku yeelan karto bulshadeeda.

Waxay noqonayaan go’aanadda noocani ahi qaar aan lagala tashan cidii shaqada ku lahayd iyo mid aan inta badan lagu soo darin waxyaabahan ka soo baxaya oo lagu gorfeeyo miis korkiisa.

W.Q Axmed Cumar Xuseen Ceelaabe