Weerar ay ku dhinteen 7 qof oo ka dhacay caasimadda Indooniisiya

Koox dablay hubaysan ayaa waxay bambooyin iyo qoryo ku weerareen muqaaxi laga buneeyo, halkaas oo ay ku dhinteen 7 qof oo iskugu jira kooxdii weerarka gaysatay  iyo dad rayid ah.

Madaxweynah Indooniisiya Joko Widodo ayaa waxa uu booqday goobta shilku ka dhacay halkaa.

Booliska Indooniisiya ayaa waxay walaac weyn ka muujiyeen weeraro kale oo lala beegsado goobo kale oo muhiim.

Masuuliyadda weerarkan ayaa waxa sheegay koox xidhiidh la leh kooxda Daacish ee ka jirta Suuriya iyo Ciraaq.

Kooxda Daacish ayaa waxay weerar kale duwan ka gaystaan waddamo badan oo ku kale yaal Yurub, Afrika iyo Eeshiya, sidoo kalena waxay xidhiidho badan leeyihiin kooxo xag-jiriin ah oo ka jira meelo badan.

Kooxda ayaa waxay saamayn badan ku yeeshan nabadda dunida iyo iyagoo xidhiidh badan la sameeyey kooxo xag-jiriin ah.

bandhige@gmail.com