Weerar ka dhacay Mali oo lagu dilay 2 qof

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen weerar laga gaystay magaalada ku taalla Waqooyiga dalka Mali ee Timbuktu.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay aaggaasi muddo bil iyo badh ah ay xannibaad ku hayaan dagaallamayaal.

Weerarrada ka dhaca Waqooyiga Mali ayaa in ka badan laba jibbaarmay tan iyo markii bishii hore howlgalka nabad sugidda ee qaramada midoobay uu soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee ay ciidamadiisa dalkaasi uga baxayaan ka dib muddo toban sano ah oo ay la dagaallamayeen kooxo hubeysan.

Dhimashada ka dhalatay weerarrada ayaa kor u dhaafaysa 150.