Weerar qarax oo lala beegsaday dhismaha safaaradda Talyaaniga ee dalka Masar

Weerar qarax ayaa lala beegsaday dhismaha safaaradda Talyaanigu ku leeyahay Qaahira, weerarka ayaa loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Wasiirka caafimaadka Hossam Abdel-Ghaffar ayaa sheegay inuu hal qof ku dhintay, afar qof oo kalena ku dhaawacmeen. Ma jirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarkan.

“Safaaradda oo xidhnayd awgeed ma jiraan cid shaqaalaha safaaradda oo wax kasoo gaadheen qaraxan” sidaasna waxa sheegay masuul ka tirsan safaaradda.

Bishii hore ayaa weerar qaxar lagu dilay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Masar Hishaam Barakaat. Sidoo kale waxa qarax labaad lagu bartilmaasaday saraakiil ka tirsan booliska oo saddex ka mid ahi ku dhinteen weerarkaas.

Ciidamadda Masaar ayaa la dagaalamaya kooxaha xagjiriinta ah, balse dagaalka ayaa inta badan ku eg dhinaca Sinai.

Kooxaha xagjiriinta ee Masar ayaa dilay ugu yaraan 600 askari oo isku jira boolis iyo militari labadii sanno ee ugu danbeeyey.

Kooxaha xagjiriinta ayaa kor u qaadey weeraradooda ka dib markii madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi xukunka ka rideen ciimadda militarigu.

Madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi ayaa balanqaaday inuu bur-burinayo kooxaha xagjiriinta,  ka dib dilkii xeer-ilaalihii guud ee Masar.

Boqolaal ka mid kooxda Ikhwaanal Muslimiin oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee xilka laga riday Maxamed Mursi ayey maxkamadda Masar dil ku xukuntay, kuwaas oo dhamaantood sugaya fulinta dilkaas maxkamaddu ku riday.

Kacdoonkii ka bilaabmay Masar sannadkii 2011 waxay dhaawac weyn soo gaadhsiiyeen isha dhaqaalaha ugu weyn Masar oo ahayd dalxiiska.

bandhige@gmail.com